Kulamo Dacwada Islaamiga ah looga tashanayay oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo.[Masawiro]

December 19, 2014 - Written by Editor

Kulamo GaalkacyoGaalkacyo:-Kulankaani oo ay soo qaban qaabisay Mu’asasada Al-Minhaaj ee Dacwada iyo Horumarinta ayaa waxaa ay u kala qaybsanaayeen kulan Gabadhaha loo qabtay iyo mid Ragga loo qabtay. Kulanka Gabdhaha ayaa waxaa uu ka dhacay Qaybta Dumarka ee Masaajidka Ramadaan Xaafada Garsoor , waxaana ka soo qayb galay Gabdhaha Aqoon yahanada ah ee wax kabarta Xarumaha waxbarasho ee magaalada sida Dugsiyada Sare , Macaahida , iyo Jaamacadaha, waxaa kale oo kasoo qayb galay Hooyooyinka kusoo dhexjiray Dacwada.

Dhanka kale waxaa kasoo qayb galay oo hadalo kasoo jeediyay Culimada kala ah:-

Sh.Xuseen Cigaal Canshuur oo ka hadlay Ahmiyada Dacwada iyo in shaqada Islaamiga ah ee Nabiyada loo soo diray loo koco oo la qabto, hadalo kooban oo ku saabsan Kaalinta Gabadha ay Bulshada ku dhex leedahay  waxaa Kulanka kasoo jeediyay Sh.C/naasir Yuusuf Xuseen.

Muxamed Siciid Muuse Gudoomiyaha Mu’asasada Al-Minhaaj (Mudug) ayaa waxaa uu ka hadlay Waxyaabihii keenay in la aasaaso Mu’asasada iyo waxyaabahay qabatay Gaar ahaan Gobolka Mudug iyo waliba Qorshayaasha udiyaarsan ee ay qaban doonto isha alaah, kadibna waxaa loo gudbay Gabadhaha iyo Afkaartooda.

Dhanka kale kulanka Ragga ayaa wuxuu ka dhacay Hoolka Shirarka ee Amal Plaza Gaalkacyo , waxaana ka soo qayb galay Maamulka Mu’asasada , Xubnaha Xafiisyada kala duwan e Mu’asasada, Maamulka Shuurada ee Mu’asasada, Nabadoono, Ganacsato, Odayaal, Dhalinyaro, Macalimiin iyo Aqoonyahano kale.

Gudoomiyaha Jaamacada Bariga Afrika (Gaalkacyo) ahna Gudoomiyaha Shuurada ee Mu’asasada Al-Minhaaj (Gaalkacyo) Dr.Aadam Muxamed Cigaal ayaa ka hadlay Ujeedada Kulanka Qiimaha iyo Dheeraadka ay leedahay in Dacwada laga shaqeeyo. Sh.Cilmi Yuusuf Axmed Maamulaha Machadka weyn ee Al-Faaruuq oo lagu barto Daraasaatka Islaamka ayaa Kulanka waxaa uu kasoo jeediyay Hadalo qiima badan oo ku aadan sidii Dhalinyarada loo wacyi galin lahaa inta waxbaratayna loogu dhiiri galin lahaa inay Dacwada ka shaqeeyaan.

Maamulaha Shirkada lacagaha ee Amal C/shakuur Xirsi Qureex oo ku hadlayay Magaca Ganacsatada ayaa wuxuu aad u dhiirigaliyay ka shaqaynta Dacwada waxaana uu sheegay in Qola walba ay ku dadaalayso sidii ay Bulshada u qabsan lahayd ayna Xoolo fara badan ku bixiyaan islamarkaana looga baahanyahay kasoo qayb galayaasha Kulanka gaar ahaanna Ganacsatada inay Dacwada ku taageeraan waxay awoodaan oo Kharash ah.

Gudoomiyaha Mu’asasada Al-Minhaaj (Mudug) Muxamed Siciid Muuse ayaa warbixin dheer oo ku saabsan Mu’asasada kusoo gudbiyay Bulshada, waxaana uu aad u faahfaahiyay Waxqabadkii Mu’asasada ee Magaalada Gaalkacyo isagoo dhanka kale waxyaabo koban kasoo qaatay waxyaabaha ay Mu’asasada kaqabatay guud ahaan Puntland.

Waxaa kale oo uu ka sheekeeyay waxyaabihii sababay in la aasaaso Mu’asasada iyo cidii aasaastay , isagoo wax ka sheegay Qorshaha Mu’asasada ee Sanadka 2015. Waxaa kale oo kulanka ka hadlay Gudoomiyaha Xafiiska Dhalinyarada ee Mu’asasada Maxamuud C/rashiid Jaamac, Nabadoon Gorod iyo Nabadoon Xabiib Xirsi Barre waxaana dhamaantood ay soo dhaweeyeen kulanka waxayna aad u adkeeyeen Muhiimada Dacwada.

Ugu danabayn Dadwaynihii kasoo qayb galay ayaa Afkaartooda soo bandhigay, waxaana ay aad ula dheceen Dhalinyaro firfircoon oo kulanka aad u qaabeeyay, waxaana uu kusoo dhamaaday Kulanka Jawi aad u fiican.

Cabdiraxmaan Cabdinuur Cabdulaahi

Madax Warfaafinta Mu’asasada Al-Minhaaj (Mudug)

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online