Kulankii culimada iyo Ardayda Jaamacadda [PSU] ee magaalada Garoowe.[Masawiro]

December 19, 2014 - Written by Editor

DSC07078Garoowe:-Qaar ka mid ah culimadii Nadwada ka waday magaalada Garowe ayaa kulan la qaatay Ardayda Jaamacada PSU ee Caasimada dowladda Puntland waxaana  Culimadaan hogaaminayay Fadiilatu Sh.Cabdi Naasir Xaaji Axmed Allaha xifdiyee waxaana kulankaan ku weheshay Sh.Cabdi Qani Qorane Maxamed waxaana 2-da Sheekh ardayda kala hadleen siday u noqon lahaayeen  Arday  bulshadu ku dayato.

Ardaydaan oo dhamaantood u soo baxay siday u dhagaysan lahaayeen Culimada isla markaana su,aalo u weydiin lahaayeen waxaana Culimadu ardayda ku dhiiri galisay waxbarashada gaar ahaan  barashada diinta Islaamka  waxayna uga digtay Tahriibta oo ah mid aan sina ku banaanayn.

Waxaa kale oo Culimadu uga digtay  ardayda inxiraafka iyo in ay diina si xun u fahmaan waxayna arday usheegeen aqoonta aad barateen in ay ka mid tahay waxyaabaha Aakhiro Allah weydiinayo sidaas darteedna ay mudan tahay in waxaad baratid oo khayr ah aad umada gaarsiisan.

Dhanka kale waxaa Ardaydu ay Sh Cabdinaasir Xaaji Axmed ay wiidiiyeen su,aalo fara badan oo uu Sheekhu dhamaan tood ka jawaabay. Isku soo duubo waxaa kulankaani ku soo dhamaaday farxad iyo rayn rayn labada dhinacba ah waxaana balan lagu wadaqaatay in xaqa dadka la gaarsiiyo  xumaantana looga digo.

no images were found

NUUR JAAMAC AADAN
XAFIISKA WARBAAHINTA
MU,ASASADA AL-MINHAAJ PUNTLAND .
nuurjaamac21@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online