Madaxweynaha DFS oo la filayo in saacadaha soo socda uu ku dhawaaqo Raisulwasaaraha Cusub ee DFS

December 17, 2014 - Written by Editor

Madaxweyne xasanMuqdisho:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xarunta Villa Soomaaliya ay ka socdaan Qaban qaabada xaflada ku dhawaaqista Ra’iisul Wasaaraha cusub ee DFS waxaana looga yeeray xarunta Madaxtooyada wariyaasha caalamiga ah iyo kuwa ka howlgala magaalada Muqdisho.

Warar laga helayo Madaxtooyada villa Soomaaliya ayaa sheegaya inay u badan tahay in loo magacaabi doono xilka Ra’iisul Wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, waloow aysan ilaa haata jirin war rasmi ah oo ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay la kulmay Cumar Cabdirashiid lama oga ilaa haatan waxay ka wada hadleen marka laga reebo tuhunka saxaafada maxaliga ee ah in ay ka wada hadleen qaabka loo soo dhisayo golaha wasiirada DFS.

Saacadaha soo socda ayaa waxaa kala cadaan doona hadii alle idmo cida uu xilka  Raisulwasaaraha DFS uu u magacaabi doono Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online