Madaxweynaha DFS Xasan Sh Maxamuud oo saaka u ambabaxay Magaalada Kismaayo

December 18, 2014 - Written by Editor

KismaayoKismaayo:-Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka u baqoolay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose waxaana socdaal ku weheliya Madaxweynaha DFS xildhibaano ka tirsan baarlamaanka iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Soomaaliya.

Amaanka magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa aad loo adkeeyey waxaana ka socda magaalada diyaargarow lagu soo dhaweynayo Madaxweynaha DFS Xasan Sh Maxamuud.

Waa socdaalkii Labaad ee uu Madaxweynaha ku aado magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose waxaana ujeeddada socdaalkiisa lagu sheegay in uu ka qeyb galayo xaflad sagootin ah oo loo sameynayo ciidmada dalka Sierra Leone kuwaas oo dalkooda ku laaban doona waxaana lagu badali doonaa ciidamo ka socda dalalka Kenya iyo Itoobiya.
Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online