Madaxweynaha DFS Xassan Shiikh oo magacaabay Ra’iisul wasaare cusub.[Masawiro].

December 17, 2014 - Written by Editor

IB0A5409Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka, Mudane Xassan Sheekh.Maxamud waxaa uu maanta u magacaabay Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya. “Waxaan aad ugu faraxsanahay maanta in aan u magacaabo Danjire Cumar Cabdirashid in uu noqdo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya.

Danjire Cumar Cabdirashiid waa qof si fiican loo yaqaan, lagana qaddariyo dhammaan Soomaaliya. Waxa uu  leeyahay aqoon iyo waayo aragnimo shaqo, horeyna waxa uu u soo noqday Ra’iisul Wasaare,” ayuu yiri Madaxweynahu.

“Inkastoo dastuurka awood ii siinayo in aan kaligay soo magacaabo Ra’iisul Wasaaraha, haddana go’aankan markaan gaarayay waxaan tixgeliyay aragtida Soomaali kala duwan oo matalaya bulshada qaybaheeda kala duwan”

Dhawaan, Mudane Cabdirashid waxaa loo magacaabay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Maraykanka, isagoo noqday Danjirihii ugu horreeyey ee aan ku yeelanno carriga Maraykanka tan iyo sannadkii 1991.

Madaxweynaha ayaa sheegay, ” Ra’iisul Wasaarahu wuxuu kaalin muhiim ah ku leeyahay Soomaaliya. Anigu waxaan ahay Madaxweynaha dalka, Ra’iisul Wasaarahuna waa madaxa Dowladda Federaalka, wuxuuna mas’uul ka yahay xaqiijinta hawlaha dowladda oo ay ku jiraan dhammaan Wasiirada iyo Wasaaradaha inay fuliyaan howlahooda waqtiga loogu tala galay, iyada oo aan musuq maasuq lahayn, si hufanna loogu adeegayo danaha dadka Soomaaliyeed.  

“Soomaaliya waa in si dhaqso leh wax uga qabato dhawr arrimood oo taagan oo la xariira Amniga, Siyaasadda iyo Horumarka. Waxaa jira waxyaabo badan oo u baahan in la qabto, waqtigana waa yar yahay. Waxaa muhiim ah in si deg deg ah loo fuliyo geeddi socodka qaran dhisidda sida uu qabo Higsiga 2016, sugidda ammaanka iyo in deg deg loo hirgeliyo talaabooyinka horumarka ee ku xusan Heshiiska Higsiga  Cusub(The New Deal, Somali Compact).

“Danjire Cumar Cabdirashid waxaan ku qabaa kalsooni buuxda. Waxa kale uu  xanbaarsan yahay masuuliyadda dhammaan dadka Soomaaliyeed. Dhamaanteen, ayada oo ay ku jiraan Golaha Wasiirada, waxaan sii adkeeyn doonaa horumarkii la sameeyay labadii sano ee ugu danbeeysay. Qof kasta oo Soomaaliyeed waa in uu ogaado nabad iyo horumar in aanan lagu gaarin si fudud balse loo baahan yahay shaqo adag, heelanaan iyo dedaal.

Waxaan ku kalsoonahay in Danjire Cumar aanu nasan doonin illaa iyo inta ammaan, xasillooni iyo horumar la gaarsiinayo guud ahaan Soomaaliya, “ayuu ku soo gabagabeeyay Madaxweynaha.

no images were found

– DHAMAAD

For more information please contact:
Shador Haji Mohamud
Deputy Director of Communications
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia
E-mail: shadorhaji@presidency.gov.so

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online