Madaxweynaha dowladda Puntland oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Switzerland ee Soomaaliya.[Masawiro]

December 23, 2014 - Written by Editor

Sawirro-3Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa saaka xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dawladda Switzerland Dominik Langen Bakher, kaasi oo maalintii shalay soo gaaray magaalo madaxda Puntland ee Garoowe.

Madaxweynaha oo uga mahadceliyey Safiirka booqashadiisa uu ku yimi Puntland ayaa waxaa uu si guud u guud maray sanadkii uu hogaanka Dawladda Puntland hayey waxyaabihii u suurtagalay sida dhinacyada Caafimaadka, Waxbarashada, Cadaalada Amniga iyo hanaanka dimuqraadiyada.

Sidoo kale madaxweyne Gaas ayaa tibaaxay in la abuuray jawi cadaaladeed oo loo siman yahay, amni lagu kalsoon yahay,  dhinaca kalana sheegay inla labanlaabay kharashka ku baxa waxbarashada oo markii hore ahaa 3.5% oo hada la gaarsiiyay 7% .

Madaxweynaha ayaa waxaa kale oo uu sheegay in Puntland horumar ay ka gaartay dhinaca kobcinta dhaqaalaha, sidoo kalena horumar laga gaaray yagleelida kaabayaasha dhaqaalaha, taas oo uu madaxweynuhu sheegay in Puntland yeelan doonto Garoonkii ugu horeeyey oo caalami ah toban bilood gudahood, kaas oo laga dhidbi doono xarunta ganacsiga Puntland ee magaalada Boosaaso.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa mar uu ka hadlayey dhinaca dimuqraadiyada waxa uu sheegay in Puntland ay hayso dhabadii saxda ahayd ee loo marayey in la gaaro hal qof hal cod 2019.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo cabirayey dareenka dawladda Puntland ka qabto federaaliisamka ka hirgeli doona soomaaliya, ayaa waxaa uu sheegay in dhanka Dawladda Puntland ay diyaar latahay in waayo aragnimadeeda dawliga ah ee 16-sano jirsatay ay ku biiriso dawladda dhexe ee Soomaaliya, welibana gacan weyn ka siin doonto sidii dhidibada loogu taagi lahaa maamul goboleedyada kale ee soomaaliya ka hirgeli doona.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sidookale sheegay in beesha caalamka iyo deeq bixiyayaasha looga baahan yahay inay si siman wax ugu qeybiyaan guud ahaan soomaaliya oo aan keliya liishaanka la saarin magaalada Muqdisho.

Madaxeynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa mar uu ka hadlayey haykalka dimuqraadiyada Puntland ee taayirka rogtay waxaa uu sheegay in dawladda puntland uqorshaysan tahay in 2019-ka la qabto doorasho xor ah iyo weliba in la helo sanadka 2016-ka in dawladda federaalka soomaaliya gaarto doorasho xor ah oo ka dhacda magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Safiirka Dawladda Switzerland  Mr.Dominik Langen Bakher oo dhankiisa uga mahadnaqay dawladda Puntland sida wanaagsan ee ay u soo dhaweysay ayaa sheegay in uu la qabo fikirka madaxweynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas , balse loo baahan yahay in la helo siyaasad fadhida oo u dhaxaysa dhinacyada maamulada soomaaliya, taasina ay tahay mida keliya ee soomaaliya horumar la taaban karo ku gaari karto.

Safiirka Dawladda Switzerland  Mr.Dominik Langen Bakher ayaa sheegay in dawladda dhexe ee soomaaliya inay fahanto in Puntland ay tahay dawladda keliya ee ilaa iyo hada beesha caalamku u aqoonsan tahay dawladd buuxda oo taabaqaaday oo federaal ah, loona baahanyahay in aan la iska indha tirin miisaanka siyaasadeed ee Puntland leedahay.

Safiirka Dawladda Switzerland  ayaa mar uu ka hadlayey aragtida guud ee uu ka qabo gabi’ahaanba soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in ay wanaagsanaan lahayd in la sameeya dood caalami ah oo laga yeesho arrimaha federaalka soomaaliya, midaas oo aan u arko buu yiri in ay soo dhaweyn karto ka gun gaarka iyo xalka in laga hayaamo dhibaatada soomaaliya ragaadisay.

Kullankii maanta ay wada yeeshen Madaxweynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Safiirka Dawladda Switzerland  Mr.Dominik Langen Bakher ayaa waxa uu ku soo gaba gaboobmay is afgarad iyo in xiriirka dalka Puntland iyo wadanka swisserlan la adkeeyo.

no images were found

 -DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta,Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Email : plpresidecymedia@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online