Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas oo Garoowe dib ugu soo laabtay .[Cod/Masawiro]

December 21, 2014 - Written by Editor

IMG_3177Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayey  safar shaqana ugu maqnaa dalka Itoobiya ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 21-12- 2014 dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Madaxweynaha iyo wafdiga la socday ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Garoowe si weyn ugu soo dhoweeyey Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire, masuuliyiin ka tirsan golayaasha Dawladda Puntland, iyo saraakiisha sare ee ciidamada Puntland.

Dadweyne aad u fara badan isugana jiray rag iyo dumar kuna labisanaa calanka Puntland iyo kan Soomaaliya ayaa iyaguna ka qeyb qaatay soo dhaweynta Madaxweynaha iyo wafdiga balaaran ee uu hogaaminayey.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa warbaahinta qeybaheeda kala duwan shir jaraa’id oo uu kaga warbixinayo safarkii shaqo ee uu dalka dibadiisa ugu maqnaa ugu qabtay madaxtooyada Puntland ee Garoowe.

‘’Aad baan ugu faraxsanahay in dalka aan dib ugu soo laabto weliba isaga oo nabad ah wanaagsana, muddo asbuuc ah ayaan dalka Ethopia ku maqnaa gaar ahaan adis-ababa oo aan u aaday safar shaqo oo la xiriira dhanka nabadgelyada, ganacsiga labada dal howshaasina si fiican ayey noogu soo dhammaatay’’Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

‘’Waxaan rajeynaynaa dhawaan in kastamkii uu hirgalo labada dalna ganacsigii iyo xiriirki uu si xawli ah u bilowdo ayaan rajeynaynaa kaasoo runtii aan isleeyahay labada dhanba faa’iido weyn ayaa ugu jirta si ganacsatadeenu ay u helaan suuqa hada jira mid ka weyn’’Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

‘’Iskaashiga nabadgelyada labada dal iyana meel wanaagsan ayey maraysaa waana iska kaa shanaynaa cadowga midka ah ee aanu wada leenahay ‘’Ayuu hadalka raaciyey Madaxweyne Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa ugu dambeyn sheegay in meel wanaagsan ay marayso in maalgashi caalami ah laga samaysto Puntland islamarkaana ay yimaadaan shirkado ganacsi oo waaweyn ku waasi oo ay ka faa’iidaysanayaan shacabka Puntland.

no images were found

Hoos ka Dhagayso shirka Jaraa’id ee uu qabtay Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Cali Gaas

[audio: http://k003.kiwi6.com/hotlink/8gn1t7zw53/Gaascomback.mp3]
-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta,Wacyigelinta,Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Email : plpresidecymedia@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online