Madaxweyne Gaas oo kulan qado ah la qaatay ganacsato iyo Wasiirka arrimaha Bulshada ee Dawladda Federaalka Itoobiya.[Masawiro]

December 17, 2014 - Written by Editor

image_3Addis:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 17-12-2014 kullan qado ah Dalka Itoobiya kula qaatay Ganacsato ka soo jeeda Dawladda deegaanka soomaalida Ethopia iyo Wasiirka arrimaha Bulshada ee Dawladda Federaalka Ethopia Mudane Cabdifataax Shiikh Cabdi.

Kulanka oo ahaa mid balaaran ayaa waxaa looga hadlay sidii ay maalgashi balaaran ugu samaysan lahaayeen ganacsatadaasi Puntland iyo weliba xoojinta xiriirka walaal tinimo ee ka dhaxeeya dawladda Puntland iyo weliba dawladd deegaanka soomaalida Ethopia.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhankiisa sheegay in dawladda Puntland ay mar walba diyaar latahay in maalgashi caalami ah laga samaysto Puntland si ay uga faa’iidaystaan shacabka Puntland oo diyaar la’ah in dhulkoodu uu horumaro.
Dhinaca kale Madaxweyne Gaas ayaa booqda Macadka Nabada iyo Amniga qaarada afrika kaasi oo magaciisa loo soo gaabiyo IPSS, waxana uu halkaasi madaxweynuhu kula kulmay maamulka macadkaasi.

no images were found

-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta
Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Email: plpresidecymedia@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online