Madaxweyne ku xigeenka PL iyo wafdi uu hogaaminayo oo soo gaaray Qardho.[Masawiro]

December 24, 2014 - Written by Editor

1Garoowe:-Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Eng.C/xakiin C/llaahi Cumar Camey iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka soo gaaray magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar waxaan uu kulamo la qaatay masuuliyiinta iyo waxgaradka Gobolka isagoo kormeerna ku sameeyay garoonka diyaaradaha magaalada Qardho.

Wafdigan uu hogaaminayay Madexweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Eng C/xakiin C/llaahi Cumar ayaa waxa ay kulamo la qaateen Masuuliyiinta maamulka degmada Qardhu, Odayaasha dhaqanka , Aqonyahanada Ganacsatada dhalinyarada Haweenka Gobolka Karkaar waxaa ayna kala hadleen xaalada guud ee gobolka.

Madasha ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay Gudoomiyaha gobolka Karkar C.quraan Maxamed Adan oo sheegay  inay u mahad celinayaan Madaxweyne ku xigeenka iyo Masuuliyiinta ku wehlisa safarkiisa wuxuuna cod baahiyaha ku soo dhoweeyay madaxweyn kuxigeenka sii uu ula hadlo Marti sharafta ka soo qaybgasha madasha.

Madaxweyne ku xigeenka oo halkaa kula hadlay dadkii ka soo qaybgalay kulanka ayaa aad ugu mahadceliyay ka soo qayb galayaasha kulanka iyo sida loo soo agaasimay kulanka wuxuuna dhamaan bulshadii halkaa iskugu timi kula dardaarmay inay dhamaantood ka qayb qaataan ilaalinta amaanka oo ah wax kawada dhexeeya dhamaan umadda.

Sidoo kale madaxweynaha mar uu ka hadlayay Duulimaadyada dhawaaan uu bilaabi doono garoonka Diyaaradaha magaalada Qardho ayaa waxa uu sheegay in dhamaan bulshada Reer Qardho ay ka qayb qaaataan sidii loo sugi lahaa amaanka iyo sidii ay u soo dhowayn lahaayeen dadka ku soo degi doona garoonka iyo dadka ka duulayaba waxaa uu sidoo kale sheegay in Qardho ay degan  yihiin Boqoradii iyo dadkii taariikhda lahaa  guud ahaan gobolkuna yahay gobol taariikh fog leh martidana aad loogu soo dhoweeyo.

Kulankan ayaa waxaa sioo kale ka hadlay Nabadoonada iyo odayaasha ayagoo aad ugu mahadcedliyay madax weynaha iyo wafdigiiisa safarka ay ku yimaadeen magaalada qardho ayna rajaynayaan in madaxweyne ku xigeenka ay la qaadan doonaan kulamo gaar ah marka uu kasoo laabto safarkiisa uu ugu ambabaxay gobolka Bari.

Markii uu soo gabagaboobay kulanka madaxweynaha iyo wafdigiisa waxa ay kormeer ku tageen garoonka diyaaradaha magaalada Qardho oo dhawaan la filayo inuu marti galiyo duulimaadyadii ka degi jiray Garoonka Boosaaso inta uu dhismaha uu ka socdo Garoonka Boosaaso.

Madaxweynaha ayaa waxa uu garoonka warbixino uu kaga dhagaystay Duqa Degmada Qardho iyo Maareeyaha Garoonka, Duqa Degmada qardho oo Garoonka kula hadlay wafdiga ayaa sheegay in garoonka uu diyaar u yahay inuu qaabilo duulimaadyada loo soo wareejin doono dadka sheegay in garoonku uu san lahayn darbi ku wareeg sana waxa uu ugu jawaabay dhamaan Garoomada Puntland aysan lahayn darbi ku wareegsan amaanka garoon kana aad loo adkeeyay.

Sidoo kale maareeyaha garoonka oo asna warbixin dheer siiyay Madaxweyne kuxigeenka ayaa sheegay in garoonka Qardho uu shaqaynayay mudo 70 sano ka badan uu hadana diyaar u yahay in inta Garoonka Boosaaso shaqada ay ka socoto inuu qaabilo oo sii wado shaqadii garoonka Boosaaso si kumeel gaar ah mar uu ka hadlayay garoonka iyo cabiradiisa ayaa waxa uu sheegay in garoonka dhererkiisu uu gaarayo ilaa 2000 mitir inta hadda shaqaynaysana ay tahay 1600 m ilaa 1800 oo mitir balaca Run way-ga garoonka waxa uu ku sheegay 40 mitir wuxuu sidoo kale sheegay in hadda diyaar u yahay inuu bilaabo duulimaadyadii dhismaha ama dayactirka garoonka waxaa uu yiri waxaa nagala qayb qaatay Bulshada Qardho iyo masuuliyiinta gobolka.

Gabagabadii safarka madaxweyne kuxigeenka ayaa waxa uu dhamaan dadka reer Puntland u sheegay in garoonka Qardho uu diyaar u yahay inuu bilaabo duulimaadyadii uuna ku yaalo meel muhiim u ah dhamaan bulshada ama istiraatiiji ah magaalo walba oo muhiim u ah puntland uu ujiro 200 ilaa 300 oo Km dadka deegaankana ay diyaar u yihiin in martidaa ay si wanaagsan u soo dhoweeyaan.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa gabagabdii sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay booqashada uu ku yimi Magaalada Qardho iyo Garoonka Diyaaradaha wuxuuna ugu dambayntii usii gudbay asaga iyo wafdigiisa Magaalada Boosaaso.

no images were found

Daauud Maxamed Xasan (Daauud Giirow)
Qardho-puntland-Somalia

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online