Madaxweyne ku xigeenka PL oo Tababar u soo xiray Ciidamo ka tirsan Booliska iyo Asluubta Puntland.[Masawiro]

December 17, 2014 - Written by Editor

IMG_2925Garoowe:-Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland  Mudane Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 17-12-2014 magaalada Garoowe ee caasimada Puntland kaga qeyb galay xaflad tababar  loogu soo xirayey Ciidamo ka tirsan Booliska Puntland iyo weliba Ciidanka Asluubta Puntland kuwaasi oo tiradoodu ay gaaraysay 60-askari oo rag iyo dumarba isugu jiray.

Soo xiritaanka tababarkan ayaa masuuliyiinta Madaxweyne ku xigeenka ku wehlisay waxaa kamid ahaa Wasiirka amniga Puntland Xasan Cismaan Aloore, Taliyaha Ciidanka Asluubta Puntland Gen : Cali Nuur Cumar ,Masuuliyiin ka socday Hay’adda UNDP iyo saraakil katirsan ciidanka Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland  Mudane Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa dardaaran iyo dhiirigelinba u jeediyey ciidamada tababarka dhamaystay , shacabkana waxaa uu ugu baaaqay in ay la shaqeeyaan ciidanka si ay waajibaadkooda u kutaan.

‘’Waxaan idin leeyahay wixii aad halkaan ku barateen muhiim ayey ahayd waa in ay noqoto mid aad ugu adeegtaan umadda reer Puntland idinkoo labo qeybood isugu jira booliiska iyo asluubta’’Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

‘’Waxaan qabaa wixii aad barateen hadaad ku shaqaysaan inay noqon doonto faa’iido balaaran oo dalka u soo hoyatay, mana noqon doonto tii ugu dambaysay ‘’Ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Puntland mudane Camey.

Tababarkaan oo socday muddo dhan toban maalmood ayaa ciidanka ka qeyb galay waxa ay ku barteen waxyaabo badan oo ay kamid yihiin habkii ay gawaarida u baari lahaayen ,sidii ay u soo saari lahaayen qaraxyada noocooda dhulka lagu aaso iyo weliba nabad galyada dadka.

no images were found

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Email: plpresidecymedia@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online