Masuuliyada saaran Qoyska Muslinka ah Sh Xassan Maxamed Ibrahim.[Masawiro]

December 18, 2014 - Written by Editor

DSC02176Garoowe:-Waxaa habeenkii 3aad gashay nadwadii 7-aad ee sanad walba lagu qaban jiray Garowe waxaana xalay darsiga ku qornaa Sheekh.Xassan Maxamed Ibraahiim(Abuuxasaan). Nadwadaan oo ah mid si wanaagsan dadweynuhu dal iyo dibadba uga faa iidaysteen maadaama Nadwada si Live ah ay u tabaninayeen webka www. Halgan.net oo dadweyne fara badan ay oo ku nool dunida daafaheed ay  kala.

Waxaa xalay muxaadaro qiimo badan soo jeedshay 2-da Sheekh ee kala ah Sh. Xassan Maxamed Ibraahiim(Abuu xasaan) oo ku qornaa muxaadarada qaybteedi hore Iyo Sh.Maxamuud Xaaji Yuusf oo kuqornaa muxaadarada qaybteedii labaad .

Sheekh.Xassan Maxamed Ibraahiim(Abuuxasaan0) ayaa muxaadaradiisa waxaa uu cinwaan uga dhigay masuuliyada saaran qoyska muslimkaa waxaana sheekhu si faah faahsan uga hadlay Xuquuqda ay isku leeyihiin iyo waajibaadka laga doonayo sidoo kale waxaa sheekhu ka hadlay xuquuqda ay ku leeyihiin dariska iyo kan lagu leeyahay waxaan Sheekhu soo qaatay adila cadcad iyo nusuus ka hadlaysa dariska iyo meesha ay gaarsiisay diinteena suuban waxaana uu aad u guubaabiyey in dadka dariskaa iyo qaraabada iyo sidookale dadka soco tadaa la xaq dhowro .

Waxaa intaas ka dib muxaadarada qaybteedii labaad galay Sh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo isna faahfaahin dheer ka bixiyay gabadha iyo waqtiga ay banaan tahay in la guursado ama la furo waxaana sheekhu sheegay in aysan jirin waxaan diinteenu inoo sheegin oo horumar aduun iyo mid aakhiro lagu gaarayo waxaana sheekhu guud ahaan dadweynaha u dar daarmay in ay bartaan kitaabka allah iyo Zunada Nabigeena Muxamed Sallalaahu Calayhi Wasalam .

Intaas ka dib waxaa la galay su,aalihii dadweynaha iyo jawaabihii culimada waxaana dad weynuhu culimada soo weydiiyeen su,aalo aad u tirabadan kuwaas oo dhamaan ahaa kuwa laga faa iiday .

Waxaana xalay ka mid ahaa culimadii su,aalaha ka jawaabay Sh Cabdi Naasir Xaaji Axmed ,Sh.Xasan Maxamed Muuse (Sh.Xasan Bookh) ,Sh.Fu,aad Maxamuud Xaaji Nuur.Waxaana su,aalahaani ka imaanayeen meele kala duwan oo ka mid ah caalamka aynu ku noolnahay .

Waxayna xalay halkaas ku ku soo dhamatay muxaadaradii 3aad ee culimadu ay ka jeediyeen nadwadii 7aad taas oo sanad walba laguqabto Caasimadda Dowladda Puntland ee Garowe. Waxaana habeen danbe oo taariikhdu ku began tahay 18/12/2014 loo balansan yahay Muxaadaradii 4aad oo ciwaan keedu yahay Islaamka iyo (Xuquuqda Gabadha Muslimadaa ) Iyo Sh .Cabdi Naasir Xaaji Axmed waxaana Nadwada si tooos ah aad kala socon kartaan webka Halgan.net saacadda Soomaaliya 18:10 , Yurub 16:10  dalka Ingriiska  15:10.

no images were found

Nuur jaamac Aadan
Xafiiska warbaahinta
Mu,asasada alminhaaj Puntland
Nuurjaamac21@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online