Nadwadii ka socotay Majidka Al-huda ee Garoowe oo gashay Habeenkii 4-aad Iyo Darsigii Sh.Cabdi Naasir Xaaji Axmed.[Masawiro]

December 19, 2014 - Written by Editor

vlcsnap-2014-12-19-05h18m36s4Garoowe:-Waxaa habeenkii 4aad s itoos ah uga socota masjidka alhuda Caasimada dowladda Puntland nadwa cilmiyeed kii 7-aad ee sanad walba lagu qaban jiray Garowe . Waxaa xalay muxaadarada qaybteedii hore  soo jeediyey Sh.Cabdi Naasir Xaaji Axmed waxaana Sheekhu Ciwaan uga dhigay (Islaamka Iyo Xuquuqda Dumarka ).

Waxaana sheekhu faahfaahin dheer ka bixiyay in diinta islaamku tahay tan kaliya ee dumar xaq dhowrtay islamarkaana ilaalisa  sharaftooda iyo Caafimaadkooda  halka dowladdaha sheegta dumarbaan cadaalad u samaynaa ay ku shaqeeyaa ilaa la arkay islaan bulukeeti dhabarka ku sida oo guridhisaysa.

Waxaa kale oo sheekhu soo qaatay tusaalooyin dhowr ah kuwaas oo dhamaan ka hadlay shirqoolka gaaladu la damacsantahay gabdhaha muslimka ah, sheekha oo hadalkiisa sii wada ayaa yiri ” majirto reer galbeed cid uga daran dumar sababtu way ku shaqaystaan waana dulmiyaan heer ay gaareen in qofta dumarkaa loogu magacdaro ninkii guursada horayna siddii xoolihii ayaa loo dhaqmi jiray  halka  diinta Islaamku ka soo horjeedo dhamaan xadgudubka  sharafta  bani’aadamka”.

Isku soo duuboo waxaa sheekha darsigiisa dhagaysanayay boqolaal dadweyna ah  iyagaa si live ah kala socday Idaacadda Islaamiha ah ee AlXikma Iyo webka Halgan.net oo si toos ah looga dhagaysanayay daafa caalamka.

Waxaa muxadarada qaybteedii labaad soo jeedshay Sh.C/risaaq Mire Gaataa waxaana sheekhu si baaxad weyn u qaadaa dhigay Akhlaaqiyaadka Qoyska muslimkaa ) Sheekh cabdirisaaq ayaa kumicneeyay  qoyska muslimka ah ee Akhlaaqda wanaagsan leh in uu caalam ka oo dhan badali karo sidaas darteed loo baahan yahay in qoyska muslimka ah uu akhlaaqdiisa hagaajiyo isagoo kaga dayanaya qoysaskii Rasuulka Sallalaahu  calayhi wasalam .

Waxaana caawa haddii Alle idmo la soo gabagabayn doonaa Nadwadii diiniga ahayd ee ka socotay Masjidka Al-hudaa ee Garoowe iyadoo nadwada laga soo saari doono bayaankii khitaamiga ahaa ee Nadwada loona jeedin doono naseexo guud umada Soomaaliyeed oo dhan.

no images were found

Xafiiska warbahinta
Alminhaaj Puntland
Nuur Jaamac Aadan.
(nuurjaamac21@gmail.com)

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online