Nadwo cilmiyeedkii 7aad oo ka bilaaban doonta magaalada Garoowe

December 7, 2014 - Written by Editor

ogeysiis1Garoowe:-Waxaa dhawaan ka bilaaban doona magaalada Garoowe ee xarunta Puntland Nadwada cilmiyeedkii 7aad waxaana Nadwada lagu qaban doonaa Masjidka weyn ee Al-Hudaa ee magaalada Garoowe.

Nadwo Cilmiyeedka 7aad ee ka dhacaysa Garoowe ayaa waxaa ay bilaaban doontaa hadii alle Idmo 23 ilaa 27 Safar 1436 00 waafaqsan 16 ilaa 20 December 2014.waxaan cinwaankeeda uu yahay sanadkan مشكلات أسرية وظواهراجتماعية مع حلول مناسبة

Nadwa Cilmiyeedka 7aad ee lagu qabanayo waxaa ka soo qeyb galaya culumada kala ah.

1- Sheekh C/naasir Xaaji Axmed
2- Sheekh Maxamed Cumar Dirir
3- Sheekh Maxamuud Xaji Yuusuf
4-Sheekh Daahir Aw Cabdi
5-Sheekh Axmed Daahir Xasan Xusen
6-Sheekh Axmed Cabdisamed Abdille
7- Sheekh Fu,aad Maxamuud Xaji nuur
8- Sheekh C/risaaq Mire Jaata
9-Sheekh Maxamed Axmed Faarax Dabiix
10-Sheekh Maxamed Cumar Axmed

Nadwada 7aad ee hadii alle idmo ka bilaaban doonta Masjidka Al-Hidaa ee magaalada Garoowe ayaa waxaa si live ah u tabin doona Inshalaah Radio Halgan iyo Radio Xikma oo in ka badan 13 xarumood ku leh deegaanada Puntland

Radio Halgan Live
Garoowe

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online