Ra’iisul Wasaare Dr.Cumar C/rashiid oo maanta si rasmi ah xilka ula wareegay.[Masawiro]

December 25, 2014 - Written by Editor

unnamed7Muqdisho:-Munaasabad ballaaran oo ka dhacday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa si rasmi ah xilka ula wareegay Ra’iisul Wasaaraha cusub mudane Dr.Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, waxaana munaasabadan goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha xilka wareejinayay Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed iyo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Munaasabadan oo ay goob joog ka ahaayeen inta badan xubnihii golaha Wasiirada, waxana ugu horeyntii goobta hadal ka jeediyay Ra’iisul Wasaaraha xilka wareejinayay Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed, wuxuuna xusay in 12 bilood ka hor uu goobtan maanta munaasabaddu ka dhaceysay uu kula wareegay xilka , xilkuna yahay meerto. Uuna maanta ku faraxsan yahay inuu xilka ku wareejiyo Mudane Cumar C/rashiid.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa warbixin kooban ka bixiyay waxqabadka xukuumadiisa mudadii ay jirtay, isaga oo xusay in horumaro badan laga gaaray Arrimaha Gudaha, Arrimaha Dibadda, gaar ahaana sugida amniga, dhaqaalaha, iyo hagaajinta iyo soo celinta xiriirka caalamka iyo arrimaha Federaalka oo guulo waaweyn laga soo hooyay sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan kula dardaarmayaa walaalkeey Ra’iisul Wasaaraha cusub dulqaad iyo wadashaqeyn dhow oo uu la yeesho hay’addaha dawladda, sidoo kale waxaan rabaa inaan halkan uga mahadceliyo xubnihii golaha Wasiirrada ee ila soo shaqeeyay, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud fursadii uu iisiiyey in aan dalkayga iyo dadkayga u shaqeeyo iyo xulashada Mudane Cumar C/rashiid” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli .

Intaasi kadib, waxaa goobta ka hadlay Ra’iisul Wasaaraha xilka la wareegay Mudane Cumar C/rashiid , isaga oo tilmaamay inuu ku faraxsan yahay inuu arko Soomaaliya oo si Dimuqraadi ah xilka kula kala wareegeysa, wuxuuna ku tilmaamay biseyl siyaasadeed iyo horumar aragtida siyaasadeed ee dalka.
Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa u mahad-naqay Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed iyo golihiisii Wasiirada, wuxuuna caddeeyey in wax badan ay qabteen, inta hartayna ay dhameystiri doonaan.

“Waxaan halkan uga mahadcelinaya Ra’iisul Wasaarihii hore Mudane Cabdiweli Shekh Axmed iyo golihiisa wasiirrada, oo runtii soo qabtay shaqooyin badan mudadii koobnayd ee ay xafiiska joogeen, waxaan rabaa inaan idiin xaqiijiyo Xukuumadda aan soo dhisayo in ay sii xoojin doono isla markaana ay dhamaystireyso howlaha harsan” ayuu yiri R/Wasaare Sharma’arke.

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa si kooban uga hadlay muhiimadda xukuumadiisa hortaala isaga oo xusay inay tahay tan koobaad Sugida Amniga iyo Xasilinta, tan labaad Garsoorka iyo Cadaalad, Aas aasida adeegyadii bulshada sida caafimaadka iyo waxbarashada.

Guddiga loo xil-saaray Munaasabadda Xil-wareejinta kana soo shaqeeyey munaasabaddan isla markaana isku soo duway Documentska xafiiska, tirakoobka shaqaalaha iyo qalabka xafiisku ku shaqeeyo ayaa goobta ku soo bandhigay labo Documenti oo ka tarjumayay dhamaan Feylasha xafiiska, mashaariicdii ay xukuumadu waday, hindise sharciyeedyadii golihii wasiirada ay u gudbiyeen Golaha Baarlamaanka, tirakoobka shaqaalaha, waxana labada Ra’iisul Wasaare ay halkaasi ku saxiixeen labo Documenti, iyadoo madaxweynaha Jamhuuriyadduna uu goob jooge ahaan u saxiixay daraftiikiisa.

Ugu danbeyn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sh.Maxamuud, oo soo xiray munaasabadda ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaarihii hore mudadii uu xafiiska joogay howlihii ay soo qabatay xukuumadii uu hoggaaminayey, waxana uu kula dar-daarmay Ra’iisul Wasaaraha cusub in uu sii wado inta dhiman isla markaana looga fadhiyo Xukuumadd dalka gaarsiin karta hiigsiga 2016.

no images were found

DHAMMAAD—

Ahmed-Nur Mohamed
Warbaahinta Xafiiska R.W
E-mail: axmednuur59@gmail.com
Mogadishu-Somalia

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online