Ra’iisulwasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid oo maanta Baarlamaanka hortagaya

December 24, 2014 - Written by Editor

cumar_cabdirashiid_jpg2Muqdisho :-Raisulwasaaraha DFS Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa maanta hortagi doona baarlamaanka DFS si uu u weydiisto codka Kalsoonida.

Xildhibaanada DFS ayaa saaka isku diyaarinaya in ay codka kalsoonida u qaadaan Raisulwasaaraha DFS Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo uu madaxweynaha DFS uu soo magacaabay 17 December 2014.

Kulan ay shalay isigu yimaadeen guddiyada Joogtada ee Barlamaanka DFS oo uu shir gudoominayey Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaahir) ayaa waxaa lagu shaaciyey in codka kalsoonida uu weydiisan doono Raisulwasaare Sharmaarke golaha baarlamaanka DFS.

Xildhibaanada baarlamaanka DFS ayaa cod gacan taag ah u qaadi doona Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke,Waxaa la wada dhowrayaa mowqifka ay qaataan xildhibaanada DFS maanta iyo in ay aqbalaan Raisulwasaaraha cusub ee DFS.

Raisulwasaaraha DFS Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa noqonaya Raisulwasaarihii 3aa ee uu soo magacaabo Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online