Raisulwasaare Sharmaarke oo xafiiskiisa ku qaabilay Amb. Maman S. Sidikou(Masawiro)

December 18, 2014 - Written by Editor

image7Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke,  ayaa maanta la kulmay wakiilka midowga Africa ee Soomaaliya Amb. Maman S. Sidikou iyo xubno ka tirsan saraakiisha sar sare ee Amisom.

Wakiilka Midowga Africa ayaa ugu hambalyeeyay Ra’iisul Wasaare Sharma’arke xilka cusub ee loo dhiibay, wuxuuna tilmaamay ka midowga africa ahaan in ay la shaqayn doonaan Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadda uu soo dhisi doono, isagoona u rajeeyey in uu ku guulaysto howlaha ballaaran ee horyaalla. Danjire Maman S. Sidikou ayaa sheegay in uu filayo  R.W Sharma’arke in uu sii xoojin doono xariirka ka dhaxeeya midowga africa iyo Somalia.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban Danjire Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, ayaa uga mahadceliyay wakiilka midowga africa dhambaalka uu soo gaarsiiyey, wuxuuna tilmaamay in uu sii adkayn doono xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya dawladda F. Soomaaliya iyo Midowga Africa, isla markaana wadajir uga shaqayn doonaan sidii markale Soomaaliya cagaheeda isugu taagi lahayd.

Madaxweynaha Dowladda F. Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gelinkii dambe ee shalay u magacaabay Danjire Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya, kadib markii horaantii bishan uu Baarlamanka F. Soomaaliya kalsoonidii kala laabtay Xukuumaddii uu hoggaaminayey Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

no images were found

——Dhamaad——–

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online