R/Wasaare Cumar C/rashiid oo kula kulmay magaalada Muqdisho wakiilada beesha caalamka.[Masawiro]

December 19, 2014 - Written by Editor

IMG_1394Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban Dr. Cumar Cabdirashid Cali Sharma’arke ayaa saaka kulamo salaan iyo hambalyo isugu jira la qaatay safiirrada Djabouti, Turkiga iyo Wakiilka QM ee Soomaaliya. Kulamadaan ayaa isugu jiray  Salaan, Hambalyo, iyo  Isbarasho, waxayna ku dhaceen jawi daganaan ka muuqato.

Safiirrada ayaa  soo gaarsiiyey Hambalyo ay ka sideen madaxda dalalkooda iyo Xooghayha Guud ee QM , waxayna  balan qaadeen in ay sii xoojin doonaan xiriirkii ka dhaxeeya dalalkooda iyo dowlada Soomaliya.

Sidoo kale, Kulanka ayaa la isku dhaafsaday talooyin ku aadan xaaladda wadanka iyo sidii ay u dhexemari lahayd Xukuumadda uu soo dhisi doono wada-shaqayn, isla markaana horay loogu sii wada ambaqaadi lahaa horumarka ay sanadihii u dambeeyay ay gaartay dowladda Soomaaliya, iyadoo ay si weyn usoo dhaweeyeen safiirada kulanka ka qeybgalay magacaabidda Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha magacaaban Dr. Cumar C/rashiid ayaa uga mahadceliyay safiirrada dhambaalka ay soo gaarsiiyeen iyo taageerada xoogan ee  ay la garab taagan yihiin dalka Soomaaliya wuxuuna tilmaamay Xukuumadda uu soo dhisi doono  in ay sii xoojinayso cilaaqaadka u dhexeeya caalamka.

no images were found

—-DHAMMAAD—

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online