Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ka wada magaalda Kampala Muxaadaraad‏ (Masawiro)

December 26, 2014 - Written by Editor

sh_bashiir010Kampala:-Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah madaxa hay,da culimada Soomaaliyeed ayaa habeenadaan ku guda jiray qabashada muxaadaraad taabanayay meela fara badan ,iyadoo ay ku soo beegmayaan muxaadaraadkaan xilli uu caalamku u dabaaldagayo ciidaha baadilka ee gaalada

Sheekha oo ku wacyigalinayay ummada ka digtoonaanshaha waxa uu ugu yiidhay baadilka socanaya dadkuna indha la’aan ay isaga hoobanayaa

Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa qabtay habeenkii khamiista muxaadaro ay cinwaankeedu ahaa U CARARA XAGGA ALLAAH muxaadaradaan uu sheekhu jeediyay ayaa ka tarjumaysay in loo cararo xagga eebe xilli uu caalamku u cararayo xagga iyo shaydaanka.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa yiri ‘ u carrara xagga eebe isaga ayaa idinku filan iskana ilaaliya in aad ku dhacdaan dabinka ibliis iyo atbaacdiisa’ sheekha isagoo hadalkiisa watta wuxuu ummada ugaga digay in gaalada loogu tahniyadeeyo acyaadooda ama laga qaataba hadiyadaha ay ugu talagaleen dadka.

Si kasta ha ahaatee muxaadaradaa waxay ahayd mid soo wada jiidatay dhammaan jamaacadii ka soo qeeb gashay muxaadaradaa.ee Masjidka Al-Tawxiid .

Habeenkii jimcaha Sheekh Bashiir Axmed Salaad wuxuu kale oo uu muxaadaro cinwaankeedu uu ahaa KUDADAAL WAXA KU ANFACAYA ka jeediyey Masjidka Al-Tawxiid wuxuu ummada uu ku boodhinayay in ay waqtigoodu ay ugaga faaidaystaan wax anfac u leh aduun iyo aakhiraba qofkuna uu ku xidhnaado had iyo jeer allaah .

no images were found

Maalinta Birito ah oo sabti ah taariikhduna ay ku beegantahay 27/12/2014 waxaa uu Sheekhu kulan la qaadan doonaa ardayda jaamacadaha wuxuuna u jeedin doonaa muxaadaro cinwaankeedu yahay NAFTA IYO SHAHWAADKA muxaadaradaa oo ay ku qabsami doonta hoolka wayn ee jaamacadda INTERNATIONAL UNIVERSITY OF EAST AFRICA

iyadoo ay jiri doonta muxaadaro uu qaban doono sheekha habeenka axadda inshaa allaah cinwaankeeduna uu noqondoono SOOMAALIDA DHAAWACANTAY DAAWADEEDU WAAMAXAY?

Wixii intaa dheer ee inagu soo kordha waxaynu idiin soo gudbin doonnaa inshaa allaah.

Abdisamed Hassan Hersi
Halgan.net
Kampala

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online