Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo soo gabagabeeyey socdaalkii dacwo uu ku joogay Kampala (Masawiro)

December 31, 2014 - Written by Editor

DSC03372Kampala :- Sh.Bashiir Axmed Salaad ayaa soo gabagabeeyay muxaadaraad kiisa habeenkii salaasada isagoo ku soo gabagabeeyay fataawa iyo dardaaran uu u jeedinayay dhammaan ummada Soomaaliyeed .

Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa ku fogaaday dardaarankiisa oo dhinacya badan taabanayey mar uu la dardaarmayay ummada Soomaaliyeed waxa uu yidhi ‘ Soomaalidu waa un ay fahantaa waa maxay Maamul iyo dawlad waayoo ninkii xilqabtaa waxa uu aaminsanyahay in fursad soo martay in ay tahay waxaaba la’arkaa in uusanba ugayn in waxakan ay amaana yihiin taa waa dhibka haysta madaxdeena oo u arkaba xilku in uu yahay adaaleh ee cun’

Sheekh Bashiir Axmed Salaad sidoo kale waxa uu ladardaarmay ragga ducaada ah isagoo u qabtay siminaar galabkii salaasada ay taariikhdu ku 30/12/2014 siminaarkaa oo cinwaankiisu ahaa ZAADKA DAACIGA – ARAGTIDA FOG EE DACWADA sheekha ayaa ka hadlay arimo dhawr ah kuwaa oo ku wada biyo shubanayay aragtida fog ee dacwada isagoo yidhi ‘ qofka daaciga ahi waa in uu is waydiiyaa 4 su’aal
1- yaan ahay 2- xagee baan joogaa 3- maxaan doonayaa 4- sidee baan ku gaari karayaa ‘

Sheekh Bashiir Axmed Salaad mar uu ka hadlayay aragtida fog ee dacwada waxa uu uu kala saara 3 aragtiyood waxuuna yidhi ‘
1- qofku waa in uu aragti fog u lahaadaa xukunka sharciga
2-qofku waa in uu aragti fog ulahaadaa xaaladaha dadka
3- qofku waa in uu aragti fog ulahaadaa wadooyinka dacwada iyo qaababka loo adeegsado ‘

Sheekh Bashiir Axmed Salaad Xafidahulaah ayaa ku soo gabagabeeyay siminaarkiisa 8 arimood uu ku tilmaamay asaasiyaadka dacwada.

1- Qofku waa in uu ogaadaa gayiga uu dacwada uu ka wado waa gayi caynkee ah

2-Qofku waa in uu ogaadaa waa maxay mushkilada jirtaa xagayna ka jirtaa

3-Qofku waa in uu ogaadaa maxaa ku waajib ah maxaasa waajib ku ahayn

4-Qofku waa in uu ogaadaa waa maxay hadafka dacwada uu kaleeyahay

5-Qofku waa in uu ogaadaa yoolka Mustaqbaleed uu tiigsanayo

6-Qofku waa in uu ogaadaa qaabka uu yoolkiisu u tiigsan lahaa

7-Qofku waa in uu ogaadaa xadka kamadambeeska yoolkiisu

8-Qofku waa in uu ogaadaa marjaciyada uu ka qaadanayo adillaadka

Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa waxaa kale oo uu muxaadaro gaar ah u jeediyey dumarka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Kampala waxaana cinwaanka muxaadarada ay ahayd IYADU WAA BOQORAD waxayna muxaadarada xiriir la lahayd muxaadaro ka baxday maalinkii shalay taa oo cinwaankeedu ahaa XIJAABKA GABADHA MUSLIMADA sheekha ayaa ku soo qaata laba daa muxaadarood waxyaabao muhiim u ahaa haweenka soomaaliyeed sida xijaabka iyo asturka gabadha muslimada taa uu ku tilmaamay sheekhu in xijaabku uu yahay gabadha muslimada nolosheeda waayo waa wax uu allaah ku amray in ay sameeyaan .

Sheekh Bashiir Axmed Salaad mar uu ka hadlayay caalamka maanta waxa uu yiri sidatan ‘ dumarka maanta waxaa loo isticmaalay in ay xayeesiiyaan badeecadaha sida dharka fashionka ama waxa luqada carbeed looyaqaano AZYAA taa oo ah wax sharaf dhac ku ah dumarka caalamka jooga gabi ahaantooda .

sheekha isagoo hadalkiisa siiwataa waxa uu yiri ‘ gabadhu waa boqorad diinteena ayaana na amartay in aynu iyada u adeegno oo aynu u shaqeeno iyadana ay tarbiyeeso caruurteena taa ayaa ah sharafta iyo qiimaha uu siiyay allaah’

no images were found

sikastaaba ha ahaatee sheekhu waxa uu xoogga saaray sida ugu haboon ay haweenka soomaaliyeed ay diintooda iyo xijaabkooda ay u ilaalsadaan guryahana ay u joogaan aysan ku dayan reer galbeedka oo gabadhaha ka dhigay badeeco suuqataalo mar uu ka hadlayay sheekhu layaabka dunida ayuu yiri ‘ waxayaabaha kaa yaabinaya waxaa kamid ah in dumarkii loo xiray dhar aad iyo aad u yaryar deetana aad u gaaban qaarkood aanan lagu tilmaami karin dhar halka ragu illaa luqunta ay giijinayaan oo taay ku xidhayaan saraawiishooduna ay dhulka jiidayaan isagoo waydiiyay arinkaa sow waxlalayaabo maahan taa oo ay jawaabteedu noqotay haa’

ugu dambeentii sheekhu waxa uu ladardaarmay haweenka soomaaliyeed guud ahaan sigaar ahaaneedna waxa uu dardaaran siiyay gabdhaha ducaada ah in ay dumarka baraan xijaabka dhabta ah iyo in aysan guryadooda aysan kabixin daruuf jirtaa mooyee .

Abdi Samed Hassan Hersi
Kampala

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online