Shirkada 1-aad ee Mu’asasadda Safa ee Dacwada & Horumarinta (Masawiro+Bayaan)

December 3, 2014 - Written by Editor

DSC01765Muqdisho:-Xaflad lagu soo xidhey Shirweynihii 1-aad ee Mu’asasadda Safa ee Dacwada & Horumarinta ayaa maanta ka dhacey Magaalada Muqdisho, waxaana ka soo qeyb galey qeybaha kale duwan ee Bulshada.

Shirku wuxuu docdey muddo 3 cisho ah, waxaana ka soo qeyb galey Madaxda Mu’asasadda, dhamaan Wakiilada Mu’asasada ee Gobolada Koonfireen, Culimo’udiin & Marti sharif kale.

Intii shirku socdey waxaa la is dhaafsadey Warbixino ku saabsan Dacwada & Xaaladaha kale duwan ee Gobolada, sidoo kale waxaa jirey doodo ku aadan hormarinta Dacwada & maamul wanaaga.

Dhanka kale waxaa is bedel lagu sameeyay Maamulka Mu’asasada, waxaana initii Shirku socdey Gudoomiyaha cusub loo magacaabey Sh. Maxamed Muuse Maxamed oo bedelay Maamulihii hore Sh. Abuubakar Xaaji Khaliifa.

Xaflada Xidhitaanka Shirkda waxaa ka soo qeyb galey marti sharaf kale duwan sida; xubno ka socdey Wasaarada Diinta & Awqaafta, Culimo’udiin, Ururo Islaamiya, Hay’adaha Kheyriga, Ganacsato & Marti sharaf kale.

Dhanka kale waxaa laga jeediyay xaflada Xidhitaanka Shirkda khudbado kale duwan oo isugu jirey wacyi gelin, waano, talooyin loo jeedinayey Maamulka Mu’asasadda & bogaadino ku aadan kaalinta Mu’asasada ee Dacwada & Hormarinta Bulshada, waxaana la go’aamiyey in taageeri dhan walba loo muujiyo si ay wax uga qabato howlaha Dacwo ee u yaala.

no images were found

Ugu danbeyn Shirkii 1-aad ee Mu’asasadda Safa waxa ka soo baxey bayaan ka koobnaa  15 qodob oo xambaarsan talo & waano ku socota qeybaha kale duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Halkan ka Akhriso Bayaanka Mu’asasadda Safa ee Dacwada & Horumarinta

Mu’asasadda Safa ee Dacwada & Horumarinta
Muqdisho

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online