USA, UN, iyo EU oo soo Dhaweeyey Insixinta Sharmarke

December 24, 2014 - Written by Editor

RW_sharmaarkeDawladda Maryakanka, Hay’adda Qaramda Midoobay, iyo ta Midowga Yurub ayaa soo dhaweeeyey ansixintii baarlamaanka Somalia uu ansixiyey Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke. XGQM Ban Ki-Moon ayaa ku dhiiri galiyey RW-ha cusub iyo Afhayeenka Baarlamaanka inay ka wada shaqeeyaan sidii loo sii dardar galin lahaa hanaanka siyaasadeed iyo in xiriir soke lala lahaado maamul goboleedyada iyo dawlad goboleedyada sameysmaya.

XG ayaa ammaanay RW-hii xilka ka degay Cabdiwali Sheekh Axmed iyo xukuumaddiisa kaalintii ay ka qaateen, sida XG sheegay, dhismaha iyo nabadda iyo dawladnimada.

Dawladda Maraykanka ayaa soo dhaweynta anxisinta RW-ha cusub ka sokow iyaduna ku boorisay madaxweynaha, RW-ha, Baarlamaanka, iyo Golaha Wasiirada inay horumar ka sameeyaan sidii loo gaari lahaa yoolasha dalka muhiimka u ah, sida dib u eegista dastuurka, dhismaha dawladda, u diyaargarowga doorashooyinka, dhismaha ciidanka militariga iyo xoogagga booliiska, iyo dib u habaynta maamulka maaliyadda.

Midowga Yurub ayaa isaguna soo dhaweeyey ansixinta RW-ha cusub. Ururkan ayaa ku baaqay sameynta gole xukuumadeed oo loo dhan yahay, kaas oo heli kara kalsoonida shacabka, dadka soomaaliyeed, iyo hay’adaha Somalia wada shaqeynt la leh.

VOA Somalia
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online