Wajigii hore ee Nabadaynta 2-da Beelood.(Bahrarsame iyo Qayaad ) oo soo Gabagaboobey

December 18, 2014 - Written by Editor

baaq nabadeedLaascaanood:-Waxaa Galabnimadii maanta soo gabagabeeyey wajigii koowaad ee Nabaynta Beelaha Cabdi Garaad (Qayaad) iyo Maxamuud Garaad (Bahrarsame) ka dib dadaaladii ay wadeen Waxgaradka iyo culimada Deegaanada gobolka Sool iyo Cayn. Maalinimadii shalay waxay la kulmeen Waxgardki iskugu jirey Culimo’udiin iyo Odayaal Dhaqameedka Labada Dhinac , Waxaa ilaa maanta ka saxiixeen xabad Joojin deg deg ah oo ay Joojiyaan dhinacyadda is haya.

Wafdigii Dhexdhexaadinta oo soo marey maanta Deegaanada Dhumey , Labada Kaam ee Gobdheere iyo Qaydar Jeex oo ay Kala degen yihiin Labada Beelood Diritu dhex martey.

Odayaashu waxay ku soo dhameeyeen Wajigi Koowaad ee Nabadaynta In-:

– In ay Joojiyaan Xabada Labada dhinac.

– In Loo Hogaansamo Amarada Gudiga dhexdhexaadinta .

– In Laga war sugo Inta ay Go’aaminayaan Gudiga dhex dhexaadinta .

– In laga Fogaado wax walba oo keeni Kara Isku dhac iwm .

Maalmaha Soo socda waxaa Lagu dhawaaqi doonaa waqtiga Gogosha Nabadeed iyo Madasha lagu qaban doono haddii Alle idmo. Dhinaca kale waxaa maanta mar Labaad si gef ah ay Xabadii ugu dhacdey mid ka mid ah Askarta Khaatumo ee Saaxdheer iyadoo uu marxuumkii uu ku nafwaayey Xabadii sida gefka ah ugu dhacey .

Mawliid Ismaaciil Haradigeed
Lascanood, Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online