War-murtiyeed laga soo saaray kulankii Madaxweynaha DFS iyo Madaxweynaha S/land(Akhriso)

December 21, 2014 - Written by Editor

jabutJabuuti:-War-murtiyeed ka kooban dhowr qodob ayaa laga soo saaray kulan ku dhexmaray magaalada Jabuuti Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Maamulka S/land Axmed siilaanyo kaas oo socday muddo labo maalmood ah ,

Kulanka dhexmaray Madaxweynaha DFS iyo Madaxweynaha S/land ayaa waxaa garwadeen ka ahaa Madaxweynaha dalka Jabuuti  Ismaaciil Cumar Geelle waxaana ka soo baxay godobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin

1- In la dar dar geliyo wada hadallada labada dhinac waqtina lagu jaan gooyo.
2- In arrimaha siyaasadda ee masiiriga ah lagu dhiirrado lana fuliyo waxyaabihii horay loogu heshiiyey.
3-  In laga dhowrsado wax walba oo wada hadallada carqalad gelin kara.
5-  In aan la siyaasadeyn deeqaha bini aadamnida iyo mashaariicda horumarinta balse la dhiiri geliyo.
6- In la fuliyo heshiiskii maamulka hawada.
7- In kulammada hadii labada dhinac raali ka yihiin laga soo qayb gelin karo khubaro farsamo iyo dowlado saaxiib ah.
8- In ergooyinka labada dhinac kulanka kan xiga ku yeeshaan magaalada Istanbul ee dalka Turkiga 26/27 January, 2015.

no images were found

Qodobadan ayaa waxay la mid yihiin kuwii horey ay u wada gaareen labada dhinac waana markii ugu horeysay ay kulan rasmi ah ay wada qaataan Madaxweynaha DFS iyo Madaxweynaha S/land

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online