Warbaahinta Soomaalida qaarkood oo ku been abuurtay Sh Nuur Baaruud Gurxan.[Cod/Video]

December 23, 2014 - Written by Editor

shnuurMuqdisho:-Waxaa wax laga xumaado ah in webabka Soomaaliyeed qaar ka mid ah in ay ka faafiyaan been abuur Sh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ah culimada dalka Soomaaliya ahna Gudoomiye ku xigeenka Hay’adda culimada Soomaaliyeed.

Mareegaha Soomaaliyeed ayaa faafiyey Qoraal ay cinwaan uga dhigeen ” Culumo uu ka mid yahay Sh.Nuur Baaruud oo si xun u dhaleecayay Ra’isul wasaare Cumar Abdirashiid -“Aabahiis ayaa tuug ahaa” , ka dib akhristayaal fara badan oo Soomaaliyeed oo na soo wiidiyey arrinkaan ayaa waxaa go’aansanay in aan wajiga ka feydno been abuurka laga faafiyey Sh Nuur Baaruud Gurxan allaha dhowree.

Codka  ay Isticmaaleen warbaahinta Soomaaliyeed ee been abuurka ah ayaa ah  cod laga soo gooyey  barmaamij ay Idaacadda Al-shabaab  ay uga waramayeen.”Waa nin caynee ah Ra’iisul wasaaraha cusub ee dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Cumar Cabdirashd Cali Sharmaake” iyagoo waraysanayey qaar ka tirsan taageerayaasha Al-shabaab kana mid ahaan jiray Xildhibaanadii dowladdii ku meel gaarka ahayd ee uu madaxweynaha ka ahaan jiray Sh Shariif Sh Axmed.

Hoos ka Dhagayso codka loo isticmaalay in uu yahay Sh Nuur Baaruud oo ah mid been ah wax codkaan hore leh Dr. Xanafi Cabdi Sh.Aadan.

[audio: http://k003.kiwi6.com/hotlink/y5u1akc3w4/codbaaruud.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

Haddii aad xooggaa dhagaysto waxaad meesha gadaale ka maqli doontaa cod uu leeyahah Sh Nuur Baaruud oo marna soo hadal qaadin wax ra’iisul wasaare ah ama masuul kale oo Soomaaliyeed magacooda balse Sheekhu waxaa uu hadalka u jeedinayey Madaxweyne Xassan Sh Maxamuud oo isagu marti u ahaa Barmaamijka dood wadaag ee uu qabtay Tv-ga Universal oo ka mid ah Tv-da Soomaaliyeed waxaana barmaamijka daadihnayey Wariye Cawil, barmaamijka ayaa waxaa lagu casumay siyaasiyiin , aqoonyahano ,culimo , haween waxaan qof walba oo su’aal iyo talo ama dhaliil u jeedinayey Madaxweynaha DFS Xassan Sh Maxamuud.

Waxaa wax laga xumaado ah in webabka Soomaaliyeed oo ahaa kuwa xushmad u hayey culimada Soomaaliyeed kana fiyoobaan in ay wax ka sheegaan culimada in qaarkood ay ka fududaadeen wax aysan ka fiirsan, wax ka sheega culimada iyo ku been abuurashadood ayaa waxaa caan ku ah ama mashruuc ku qaata warbaahinta taageerta Al-shabaab oo beeno fara badan ka faafiyey culimada Soomaaliyeed.

Hoos ka daawo Sh Nuur Baaruud Gurxan hadalkii nasiixada ahaa ee uu u jeediyey Madaxweynaha DFS Xassan Sh Maxamuud

Hoos ka Daawo barmaamijka dood wadaag oo dhamaystiran ee tv-ga Universal uu ku qabtay magaalada Muqdisho 15 Jun 2014

C/casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online