Xaflad loo qabtay Arday Quraanka dhamaysay magaalada Galdogob.[Masawiro]

December 25, 2014 - Written by Editor

1Galdogob:-Galabnimadii jimcaha ee ku beegnayd 19/12/2014 ayaa madrasada Daarulhidaaya waxay qabatay xaflad si heersare ah loo soo agaasimay, xafladaas oo ay madrasadu u qabatay arday quraanka dhamaysay ayaa waxaa kasoo qayb galay maamulka degmada, maamulka Mu’assasada Alminhaaj, waxgarad kala duwan, iyo dad wayne aad u faro badan, waxaan ayaguna meesha ka maqnayn bahda madrasada waalidiin, macalimiin, arday iyo maamulba.

Madrasada Daarulhidaaya oo ka kooban labo farac ayaa kamid ah madaarista ugu firfircoon magaalada Galdogob, mudadii koobnayd oo ay furnaydna soo jiidatay indhaha magaalada, maamulka madrasada ayaa si faahfaahsan uga warbixiyey waxqabadka madrasada iyo waxyaalaha ay higsanayso.

Xaflada oo uu xiriirye ka ahaa arday aad u da’ yar, isla markaana ay hadalo kasoo jeediyeen qaybo kale oo ardayda kamid ah, ayaa dhamaan dadwaynihii iyo martisharafkiiba kawada maqsuudeen qaabka ilmahaas loo diyaariyey, halka dadkii xaflada ka hadlay ay soo jeediyeen hadalo dhiirigalin iyo soo dhawayn isugu jiray.

Uga danbayn ardayda quraanka dhamaysay ayaa la gudoonsiisiiyey shahaadoooyin, waxaana sidoo kale lagula dardaarmay inay barashada diinta halkeeda kasiiwadaan, Mu’assada Alminhaaj ayaa dhankeeda soo bandhigtay mashruuc ay ugu talogashay ardayda quraanka dhamaysay oo qorshayntiisii socoto.

no images were found

Mu’assasada Al-minhaaj
Galdogob, Somalia

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online