Xaflad loo qabtay Arday Qur’aanka Kariimka ah ku dhamaysay dugsiga Masjidka Al-risaalah ee Waqooyiga London.[Masawiro]

December 20, 2014 - Written by Editor

IMG-20141220-WA0019London:-Waxaa maanta oo taariikhdu ku beegan tahay 20. 12.2014 lagu qabtay Hoolka Muxaadarooyinka ee Masjidka Al-risaalah , xaflad si wanaagsan loo soo agaasimay oo loo qabtay 5-ta arday oo Quraanka Kariimka ah ku dhamaeeyay Dugsiga Masjidka Al-risaalah.

Xafladda oo uu soo agaasimay maamulka Dugsiga ee Masjidka Al-risaalah ayaa waxaa ka soo qayb galay Culumo, aqoonyahan, dhalinyaro waalidiin iyo ardayda Dugsiga. Gabagabadii xaflada ayaa ardaydii Quraanka dhamaysay waxaa la guddoonsiiyay shahaadooyin iyo hadiyooyin.

Dugsiga Al-risaalah, oo ka mid ah Madaarista lagu barto Xifdinta Quraanka kariimaa ee ku yaala Magaalada London ayaa ardayda wax ka barataa boqolaal wiilal iyo gabdho isugu jira.

Waxaa xusid mudan inaysan ahayn markii ugu horaysay oo xaflad noocaan oo kale ah lagu qabto Masjidka Al-risaalah, sanad walba waxa uu dugsigu xaflad tan la mid ah u dhigaa wiilal iyo gabdho Quraanka ku dhameeyay Dugsiga.

Allah ha barakeeyo Juhuuda maamulka iyo macalimiinta. Ardaydaas Quraanka dhamaysayna Allaha xifdiyo, waalidkoodna ajar Allaha ha ka siiyo dadaalkii ay ku bixiyeen caruurtooda.

no images were found

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online