Xaflad loogu qaybiyey ardeyda xalaqaadka Garowe lana siiyey اجازة علمية (Masawiro)

December 22, 2014 - Written by Editor

3Garoowe:-Xalay oo ay taariikhdu ku beegantahay 21/12/2014– 28/2/1436, waxaa masjidka Al-Huda oo ku yaal magaalo madaxda dawladda Puntland Garowe ku qabsoomay xaflad loogu qaybiyey ardey gaaraysa 27 ardey ogolaanshaha gudbinta cilmiga ay barteen (اجازة علمية) , ardeydaas oo iskugu jirtay rag iyo dumar.

Xalaqaadka ka socda magaalada Garowe ayaa ah mid soo bilaamatay 2-sano kahor taasoo ay ka faa’idaysteen ardey gaaraysay 1100 ardey, ardeydaas oo kala leh heerar kala duwan, xafladdan ayaa ahayd mid ku qotonta sharfidda iyo ogolaanshaha loo ogolaanayo inay gudbiyaan cilmiga ay barteen heerka ugu sarreeya ardeyda xalaqaadka magaalada Garowe.
Ardeyda la siiyey ogolaanshahaas ayaa ah ardey soo baratay 32 kitaab, shan kamid ahina ay hadda socdaan oo ay gabogabo sii marayaan.
Sheekha ardeyda tiradaas leh soo baray kitaabadaas Sh. Cabdirisaaq Sh Suldaan Guul ayaa ka hadlay madashaas, sheegayna inuu ku faraxsanyahay helitaanka dhalinyaro gudbin karta aqoonta ay kasoo bartay xalaqaadkiisa, sidoo kale sheekhu wuxuu u mahad celiyey ilaahay kadib Mu’asasada al-minhaaj, taasoo lagarab taagnayd taageeridda ardeyda, dhiirrigalintooda iyo kawarqabkoodaba.

Isla madashaas, ardeydii qaadatay ogolaanshaha ayaa su’aalo kala gaddisan lagu waydiiyey, nasiib wanaag si wacan oo faahfaahin leh ayey uga jawaabeen ardeydaasi, waxayna muujinaysaa in ay ardeydaasi yihiin ardey waxay barteen weeleeyey.

Madasahan ayaa ahayd mid cammirana waxaana kasoo qayb galay xafladdan culumo, ardey, shacab iyo madaxda dawladda Puntland.

Culumada kasoo qayb gashay xafladdan ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin helitaanka dadkii badali lahaa mustaqbalka, waxaa kamid ahaa culumada kasoo qayb gashay xafladdan Sh. Cabdirisaaq Suldaan Guul, Sh. Cabdinaasir Xaaji Axmed, Sh. Axmed Cabdisamad Cabdulle, Sh. Cabdiqani Qorone Maxmed, Sh. Mukhtaar Axmed Faarax iyo Sh. Xasan Ibraahiim ( Abuu Xassaan).

no images were found

Wasiirka wasaaradda cadaaladda iyo dhaqan celinta dawladda Puntland wasiir Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa kasoo qayb galay xafladdaan wuxuuna sheegay inuu ku faraxsanyahay in la siiyo ogolaanshaha cilmiga ay barteen dhalin yaradaasi, sidoo kale wasiirku waxa uu aad ugu mahad celiyey sheekhii soo baray ardeydaas kutubta intaas le’eg Sh Cabdirisaaq, wasiirku waxa uu ugu danbayn soo xiray xafladdaas, waxa uuna guddoonsiiyey ardeydaas Ijaazaadkii loogu talagay inay ka qaataan kutubtii ay soo mareen.

Xafladdan ayaa ah mid kusoo beegmaysa xilli laga dareemayo magaalada Garowe koboca barashada cilmiga sharciga ah, gaar ahaan qaabka xalaqaadka ah, tirade ardeyda xalaqaadka ayaa ah kuwo soo kordhaya maalinba maalinta ka danbaysa.

Xafiiska Warbaahinta Mu,asasada Al-Minhaaj Garowe

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online