Xaflad Sharafeed loo qabtay Dr. Abdullahi Said Jama oo ka dhacday Masjidka Ibnu Cutheymiin ee magaalada Leicester.[Masawiro]

December 18, 2014 - Written by Editor

5Leicester:-Waxaa  lagu qabtay Masjidka Ibnu Cutheymiin ee magaalada Leicester xaflad sharafeed lagu maamuusay Dr. Abdullahi Said Jama oo Shahaadadda Diktooraadka ka qaatay Jaamacadda Leicester, gaybta Genetikada gaar ahaan genetikada bakteeriya. Xaflad Sharafeedkaan oo si wanaagsan loo soo agaasimay ayaaa waxaa ka soo qayb galay culimo, Aqoonyahano, Ducaad , Da’yar dhigta jaamacaddaha , Xafladaan ayaa waxaa u jeedkeedu uu ahaa in Dr Abdullaahi Said Jama loogu hambal yeeyo looguna duceeyo guusha uu Jaaliyadda Somaaliyeed guud ahaan ama gaar haan kuwa degan magaaada Leicester u soo hoyey.

 Waxaa kale oo u jeedka xaflad sharafeedkan laga lahaa in lagu dheeri geliyo dadka daneeya waxbarshada iyo in fursadaha ka jira dalka Ingriiska ay ka faa’idaystaan bulshada Soomaaliyeed iyadoo si gaar ah loo tilmaamay Waaldiinta. Xaflad sharafeedka ayaa markii ugu horaysay waxaa lagu soo dhaweeyey Dr. Abdullahi Said Jama oo ka hadlay wax uu baaritaanka uu ku sameeyey waxaan uu xusay in uu baaritaan ku sameeyey Infekshinka laga qaado Campylobacter Jejuni. Bakteeriyadaan oo laga qaadaa hilibka Digaaga oo aan si wanaagsan loo karin iyo Caanaha aan la karkarin.

 Dr. Abdullahi Said Jama ayaa sheegay in Bakteeriyadaan ay qaadaan Sanad kasta Malaayiin dad ah, haba ugu darnaadeena aduunka Saddexaad.Dr. Abdullahi Said Jama ayaa waxaa uu ku guulaystay inuu helo Gene (giin) ka qaybqaata infekshinka ay sababto bacteeriyadan.

no images were found


 

Gabagabadii Xaflad sharafeedka ayaa waxaa ka hadlay:-

 

 1.     Dr. Mohamud Mohamed Abdurahman

 

2.     Ustaad Mohamed Saalah

 

3.     Sh. Mohamed Salaad

 

4.     Abdulhakim Jama Jooje

 

5.     Abdurahman Guled (shiino)

 

6.     Abdullahi Xassan Isse

 

7.     Suldaan Cabdifitaax Ahmed Guure

 

8.     Sh.cabdulqaadir Dalmar

 

9.     Ustaad Ali Daahir (Ali Taalin)

 

10. Mohamed Ahmed Ducaale

 

A. Osman
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online