Xaflad xilwareejin ah oo ka dhacday Jaamacada Bariga Afrika faraca Galdogob(Maswiro)

December 19, 2014 - Written by Editor

7Galdogob:-Habeenimadii Khamiista eek u beegnayd 18/12/2014 ayaa waxaa dhacday xaflad si heersare ah Loo soo agaasimay, taasoo ka dhacday Hoolka wayn Ee Jaamacadda Bariga Afrika { EAST AFRIKA UNIVERSITY } . Faraceeda Galdogob. Xafladaan ayaa ahayd xilwareejin uu samaynayey maamulkii hore ee jaamacada Dr Bashiir Warsame Maxamed ( Bashiir Caato) waxaana xilka la wareegay gudoomiyaha cusub Ee jamacadda Proff: Muuse Maxamuud Takar oo kamid ah qurbajoogta dhawaan wadankooda kusoo noqday si ay uga qayb qaataan horumarka dalka.

Xil-wareejinta ayaa waxaa ay udhacday si qurux badan waxaana Madasha kasoo qayb galay hogaanada bulshada sida maamulka, guurtida, culamaaudiinka, aqoonyahanka iyo dadwayne aad u faro badan waxaa xaflada hadalo kasoo jeediyey Gudomiye kuxigeenka guud Ee jaamacada Bariga afrika ahna sii hayaha xilka gudoomiyaha jamacada bariga afrika, gudoomiyaha Jamacada Bariga Afrika Faraca Gaalkacyo,gudoomiyaha Mu’asasada AL-Minhaaj,gudoomiya,golaha guurtida, maamulka degmada Galdogob iyo martisharaf kale oo badan waxayna dhamaantood u mahadceliyeen gudoomiyihii hore sidoo kalena waxay soo dhaweeyeen maamulka cusub ee jaamacada.

no images were found

Xafladaan ayaa waxaa sidoo kale shahaadooyin Lagu gudoonsiiyay arday ka qalin jabisay kuliyada Luqadaha.Ugu danbayn xaflada ayaa kusoo gabagbowday jawi qurux badan,

Al-Minhaaj Galdogob

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online