Xeer illaaliyaha guud ee Soomaaliya oo booqasho ku yimid Minneapolis

December 20, 2014 - Written by Editor

ahmedWaxaa soo gaaray magaalada Minneapolis Xeer illaaliyaha guud ee Soomaaliya Dr. Axmed Cali daahir, xeer illaaliyaha ayaa caawa oo Sabti soo geleyso soo gaaray magaalada Minneapolis oo ah halka ay ugu badantahay Soomaalida dagan Waqooyiga Maraykanka.

Safarka xeer illaaliyaha ayaa ku saabsan warbixin uu jaaliyada la qaybsan doono iyo talooyin uu ka dhagaysan doono. Xeer illaaliyaha ayaa ka hadli doona Cadaalada, xabsidayada, badda Soomaaliya, xaalada guud ee wadanka iyo Fariin uu si gaara ugu wado Qurbajoogta.

Cabdirashid Aabi oo ka mid ah qaban qaabiyaasha shir ayaa Somalitalk u sheegay inuu ku wargalinayo dadka Soomaaliyeed ee dagan Minnesota inay kasoo qayb galaan kulankaan muhiimka ah.

Xeer illaaliyaha ayaa maanta oo Sabti ah (Dec 20, 2014) shir ku qaban doona Hotel-ka Ramada Plaza ee Minneapolis, cinwaanka: 1330 Industrial Boulevard Northeast, Minneapolis, MN 55413. Saacadda shirka waa 6:00pm – 9:00pm.

xigasho
Somali Talk

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online