Al-Minhaaj oo dowro tababar ah u soo gabagabaysay qaar ka mid ah Ardayda Dugsiyada ee Boosaaso[Masawiro]

January 23, 2015 - Written by Editor

IMG_1825Boosaaso:-Waxa maantay ka dhacday markazka wayn ee Al-Rowda ee magaalada boosaaso xaflad si heer sare ah loosoo agaasimay oo lagusoo afmeerayay dowro lagu tababarayay qaar ka mid ah Ardayda Dugsiyada sare ee magaalada Boosaaso.

Dowradaan maantay lagusoo gabagabeeyay magaalada boosaaso , gaar ahaan Markazka Al-Rowda oo socotay mudo afar maalmood ah, ayaa waxa isku soo duba riday Mu’asasda Al-Minhaaj ee Dacwada Iyo Horimarinta qaybta gobolka Bari, iyadoo ula jeedadka dowradaan loo qabtayna ay ahayd , sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta ardayda.

Waxaana ka mid ahaa duruusta ay ardadu ku qaateen dowradan:-

1- “Akhlaaqda wanaagsan iyo alla ka baqa” waxaana soo jeediyay: Sh Maxamed Macalin Axmed.

2- “Ahmiyada ay leedahay shaqa wadareedku ” waxaana soo jeediyay: Dr Xasan Mahdi

3- “Xarakaadka Dacawiga ah ee Soomaaliaya ka jira” waxaana soo jeediyay: Sh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur.

4- “Kooxaha Afkaarta Leexsan Wata , sida Suufiya, Takfiirka iyo Shiicada” waxaana soo jeediyay: Dr Xasan Mahdi.

5- “Ku Qancida Wadanka Waxbarasho Iyo Shaqa” waxaana soo jeediyay: Ustaad Maxamuud Sh cusmaan.

6- “Habka Baxsiga loo Qoro” waxaana soo jeediyay: Dr Uways Xaaji C/laahi

Xafladan lagu soo afmeeray dowradan ayaa waxa goob joog ka ahaa Masuuliyiin ay ka mid ahaayeen, Gudoomiyaha guud ee Mu’asasada Al-minhaaj Ustaad Maxamed C/dulaahi C/dulle , iyo ku xigeenkiisa Ustaad Ciise Siciid Maxamed ,Hormuudka Kuliyada Shareecada Jaamacada Bariga AfrikaUstaad Jaamac Maxamed Xasan, Gudoomiaha Dalada Waxbarashada ahliga ah Ee PEN Ustaad Maxamed Faahiye Ciise , Madaxa Akaadimiya Al- Islaamiya Ee Culuumta Hogaaminta Ustaad Maxamuud Sh Cusmaan, Abwaan Maxamed C/raxmaan Ciise, Gudoomiye ku xigeenka Mu’asasada Al-minhaaj Qaybta Gobolka Bari Ustaad C/raxmaan Aw-ciise Muuse , Madaxa Xafiiska Dacwada iyo Waxbarashada mu’asasada Al-minhaaj Bari Ustaad Siciid Maxamed Diiriye, Aqoonyahano iyo ardaydii tababarka dhamaysatay.

Gudoomiye ku xigeenka guud ee Mu’asasada Al-minhaaj Ustaad Ciise Siciid Maxamed oo ugu horayn Munaasabadan ka hadlay ayaa ka warbixiyay Dawradaan, wuxuuna Tilmaamay in dawradani oo mudo laba isbuuc ah socotay loogu talagalay in kor loogu qaado tayada aqooneed ee ardayda dugsiyada sare ee magaalada Boosaaso.

Mr Ciise oo hadalkiisa siiwata ayaa sidoo kale ugu baaqay Ardaydii qaadatay dowradaan inay bulshada uga faa’ideeyaan aqoonta ay heleen, sidoo kalana ay kula laabtaan goobahay wax ka baranayeen si ay ubaraati gareeyaan waxay barteen.

Gudoomiaha Dalada Waxbarashada ahliga ah Ee PEN Ustaad Maxamed Faahiye Ciise oo isna ka hadlay munaasabada ayaa ugu horayn u mahad celiyay maamulka mu’asasada Al-minhaaj qaybta gobolka bari tababarkaan wax ku oolka ah ee ay u qabteen Qaar ka mid ah Ardayda Dugsiyada sare, sidoo kalana kula dardaarmay ardaydii dowrada dhamaysatay inay waxay barteen asxaabtooda kula noqdaan , ayna fuliyaan.

Madaxa Akaadimiya Al- Islaamiya Ee Culuumta Hogaaminta Ustaad Maxamuud Sh Cusmaan oona ka mid ahaa macalimiintii dowradan wax ka bixinaysay, oo isna madasha ka hadlay ayaa isna kula dardaarmay ardaydii dowrada qaadatay inay ku dhaqmaan waxay barteen, bulshadoodana usii gudbiyaan.

Abwaan Maxamed C/raxmaan Ciise oo isna hadalka qaatay ayaa madasha ka tiriyay Gabay aad usoo jiitay dhamaan kazoo qayb galayaashii xaflada , isagoona gabaygiisa ugu mahadnaqaayo mu’asasada Al-minhaaj barnaamijtaan wax ku oolka ah ee ay bulshada ku horimarinayso, sidoo kalena wuxuu abwaanku la dardaarmay ardaydii dowrada dhamaysatay, isagoona ugadigay waxyaabo ay ka mid ahaayeen tahriibka, dhaqan xumada.

Gabagabadii xaflada ayaa hadalka waxa qaatay Madaxa Xafiiska Dacwada iyo Waxbarashada mu’asasada Al-minhaaj Bari Ustaad Siciid Maxamed Diiriye , isagoona ku dhawaaqay nataa,ijtii ay kala heleen kooxii ardada ahaa ee dowrada dhamaystay, kadib markay soo bandhigeen cilmi baarisyoiyo gabayo loo diray ianay soo diyaariyaan.

Intaas ka dib Gudoomiyaha guud ee Mu’asasada Al-minhaaj Ustaad Maxamed C/dulaahi C/dulle iyo, Hormuudka Kuliyada Shareecada Jaamacada Bariga Afrika Jaamac Maxamed Xasan, Gudoomiaha Dalada Waxbarashada ahliga ah Ee PEN Ustaad Maxamed Faahiye Ciise , Madaxa Akaadimiya Al- Islaamiya Ee Culuumta Hogaaminta Ustaad Maxamuud Sh Cusmaan , ayaa waxa ay siwada jir ah u gudoonsiiyeen sadaxdii kooxood ee ugu saraysay abaal marino , iyagoona sidoo kale gudoonsiiyay dhamaan ardaydii kasoo qayb gashay dowradan shahaadooyin ka qayb galis tababar.

Isku soo wada duuboo Dawradan ayaa waxa ay qayb ka noqonaysaa hawlaha dacwo iyo horumarineed ee mu’ssasada minhaaj ay kawaddo gobolllada Puntland si loo helo bulsho dhinac walba ka dhisan.

no images were found

Xafiiska Mu’asasada Al-minhaaj 
Boosaaso,Somalia

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online