Ardayda wax ka barata Machadka Iimaan ee Ceegaag oo loo soo gabagabeeyey Imtixaankii Teeramka dhexe.[Masawiro]

January 28, 2015 - Written by Editor

IMG_0228 - CopyCeegaag:-Ardayda wax ka barata Machadka diinga ah ee Iimaa ee magaalada Ceegaag ayaa waxaa loo soo soo gabagabeeyey Imtixaankii Teeramka dhexe  ee Sanad dugsiyeedka 2014-2015 . Guud ahaan Ardayda wax ka barta machadkan ayaa ah kuwo maalmihii u danbeeyey ku jirey Imtixaanaad kale duwan, Ardayda hadda wax ka barata Machadkani ayaa ah arday badan oo gaaraysa ilaa 157 Arday oo isugu Jira Inamo iyo Habo.

Machadka diinga ah ee Iimaa ee magaalada Ceegaag ayaa waxaa wax lagu bartaa ilaa 4 xili , wuxuu ka kooban yahay dhismahaan ay iska kaashadeen Jaaliyada Dibada ee Ceegaag iyo Hay’adda Samafalka ee Manhal.

Machadka diinga ah ee Iimaan ee magaalada Ceegaag ayaa ka kooban ilaa lix fasal, Xafiis, Suuliyo, Berked, iyo Masjid weyn oo ku dhex yaalla Dhismaha Machadka .

Sh Maxamed C/Qani Macalin Faarax oo ah Maamulaha Machadka ayaa ka waramay intii uu socdey Imtixaanka isagoo xusay in ardaydu , Macalimiinta iyo maamulkaba ay si wanaagsan u guteen waajibaadkooda imitixaankuna uu ku soo dhamaaday jawi wanaagsan oo degan.

Sh Maxamed C/Qani Macalin Faarax ayaa waxaa kale oo uu sheegay  in Machadka diinga ah ee Iimaan ee magaalada Ceegaag  uu ku talaabsaday horumar weyn ilaa iyo intii uu jray dad badan ay wax ka faa’iidaysteen isagoo u mahad celiyey dhamaan dadkii ka qayb qaatay hirgelinta  Machadka diinga ah ee Iimaan ee magaalada Ceegaag iyo weliba Hay’adda Samafalka ee Al-Manhal.

no images were found

Mawliid Ismaaciil Haradigeed   
Lascaanood, Somalia

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online