Ergeyga gaarka ah ee QM oo soo dhoweeyay golaha wasiirada cusub

January 29, 2015 - Written by Editor

Nicholas-KayMuqdisho:- Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa soo dhoweeyay ku dhawaaqidda Golaha Wasiirada Federaalka cusub ee uu soo magacaabay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya 27kii bishan Janaayo 2015.

“Ku dhawaaqiddan waa tallaabo muhim ah ee loo qaaday dhanka dhisidda xukuumad cusub,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay.

“Marka la ansaxiyo, Dowladda Federaalku waxay u baahnaan doontaa inay si degdeg ah wax uga qabato ujeeddooyinka dowlad dhisidda iyo nabadaynta ee ay Soomaaliya hiigsanayso.Wax badan baa weli haray in la qabto si loo dhammeystiro Aragtida 2016 ee Soomaaliya.

Baarlamaanka Federaalka wuxuu leeyahay kaalin muhim ah oo degdeg ah oo uu ka cayaaro marinta/ ansaxinta xeerar muhim ah iyo dhisidda guddiya madaxabanaan ee weli haray sida ku qoran dastuurka ku-meelgaarka, gaar ahaan Guddiga Qaran ee Doorashada ee Madaxabanaan.

Waxaa maalmaha iyo bilaha soo socda loo baahnaan doonaa jawi isutanaasulid iyo dibuheshiisiineed. Qaramada Midoobay waxaa ka go’an inay taageerto dowlad dhisidda iyo nabadaynta Soomaaliya.”

Dhamaad

Source: unmissions.org

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online