Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan oo Muqdisho ku soo wajahan.

January 25, 2015 - Written by Editor

garoonMuqdisho:-Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa la filayaa in uu saacadaha soo socda soo gaaro magaalada Muqdisho waxaana si weyn uga socda magaalada Muqdisho u diyaar-garowgii ugu dambeeyey ee lagu soo dhaweynayo madaxweynaha dalka Turkiya.
Waxaa aad loo adkeeyey amaanka magaalada Muqdisho iyada oo la xiray inta badan waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho iyada oo ay saraakiisha amaanka iyo Madaxda DFS ay ku sheegeen ujeedooyinka loo xiray wadooyinka Muqdisho sugida amaanka.

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku sugan madaxeynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo mas’uuliyiin ka tirsan DFS waxaa kale oo ku sugan garoonka diyaaradaha Aden Cadde Danjirayaaasha Somaliya u fadhiya dalal kala duwan.

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa xariga ka jari doona mashaariic kala duwan oo ay dowlada Turkiya ka fulisay magaalada Muqdisho.

Ma aha markii ugu horeysay oo uu socdaal ku yimaado magaalada Muqdisho Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan wuxuu horey u yimid sannadkii 2011 xili macaluul daran ay ka jirtay qeybo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online