Madaxweynaha DFS “Mar kale ayaan saaxiibadeena Turkiga dib ugu soo dhoweyneynaa Soomaaliya”[Masawiro]

January 25, 2015 - Written by Editor

4Muqdisho:-Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo wafdi balaaran oo uu hoggaaminayo ayaa ka soo degey gegida diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho oo booqasho rasmi ah uu ku yimid.

Madaxweyne Erdogan oo ay wehliyaan xaaskiisa , xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo saraakiil kale ayaa waxaa garoonka si diiran ugu soo dhoweeyay Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Marwada 1aad Marwo Qamar Cali Cumar, Raiisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharmaarke iyo mas’uuliyiin kale.

Labada madaxweyne ayaa salaan sharaf kaga qaatey garoonka, cutubyo ka tirsan ciidammada qalabka sida, iyadoo halkaasina laga tumey heesaha astaanta calanka labada dal. Labada madaxweyne ayaa si wadajir ah u furey terminalka cusub ee caalamiga ee garoonka Aadan Cadde, halkaas oo furitaanka kadib ay khudbado ka jeediyeen.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey dowladda Turkiga hirgelinta terminaalkan cusub oo uu sheegay inay ka mid yihiin mashariicda faraha badan iyo taageerada hagar la’aanta ah ee shacabka iyo dowladda Turkiga mar walba la garab taagan yihiin walaalahooda Soomaaliyeed.

“Aad ban ugu faraxsanahay inaan manta Madaxweyne Erdogan ku sii dhoweeyo terminalka cusub ee garoonka Aadan Cadde. Laba sanno ka hor markii ugu horeysey ee diyaarad rakaab oo Turkiga leeyahay halkan soo cagadhigatey Muqdisho waxay calaamad u ahayd waa cusub oo Soomaaliya u baryey.

Taasi waxay ka dhigtey Soomaaliya inaan mar kale loo arkin inay tahay waddan aan la iman Karin oo dhibaato uun ay ka jirto, khatarna ah imaatinkeeda. Maanta in mar kale imaanshaha diyaaraddaada waxay xusuusin joogta ah u tahay inay si weyn u soo hagaagtey xaaladdda amniga ee Soomaaliya, kalsoonida lagu qabo dalkeena iyo deeqsinimada walaalaheena Turkiga, dhismaha terminalkan cusubna waa tusaale kale oo muujineysa wanaagga ay nala rabaan Turkiga ’’.

Madaxweyne Erdogan ayaa isna ka mahadceliyey sida quruxda badan ee loogu sooo dhoweeyay Muqdisho, isagoo sheegay in dowladda Turkiga ay ka go’an tahay inay garab istaagto Soomaaliya si ay uga soo kabsato colaaddii iyo burburkii muddada dheer soo jirey.

“Waanu idin garab taaganahay, farxad ayayna ii tahay in aan mar kale Muqdisho imaado si aan u dhiirigeliyo taageerada aan idin hayno. Waan hubaa in aad ka gudbi doontaan caqabadaha jira, waana muuqataa in isbeddel weyn uu jiro safarkeygii hore iyo kan maanta”.

Intaa kadib labada Madaxweyne ayaa booqdey, wadajirna u furey isbitaalka Digfer oo dib loo dhisey looguna magic darey Xarunta Culuunta Cilmi barista Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo gacan weyn ka geysanayaa inuu daboolo baahida caafimaad ee shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Erdogan oo halkaasi ka hadley ayaa sheegay in mashaariicdan ay astaan u yihiin xiriirka iyo walaaltinimada qotada dheer ee labada dal, Turkigana uu ogsoon yahay in dalkan ay ka jiraan baahiyo bulsho oo caafimaadku kow ka yahay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna halkaasi hadal ka jeediyey sheegagyna furitaanka xaruntan ay taariikh lama ilaabaan ah u tahay Soomaaliya.

“Maanta oo la furayo Isbitaalka Culuunta Caafimaadka iyo Cilmibaarista ee Soomaaliya iyo Turkiga, ma ahan oo keliya in dowladda Turkiga ay Soomaaliya ka caawineysaa sidii adeeg caafimaad oo tayo leh loogu fidin lahaa shacabka Sooomaaliyeed, balse waxaa iyana daba socota sidii loo tababari lahaa jiilka soo socda ee hawlwadeennada caafimaadka Soomaaliya”.

“Taageeradan waxay inoo saamaxaysaa in adeegyada iyo xirfadaha sida aadka ah loogu baahan yahay la gaarsiiyo dhammaan isbitaalada ku yaalla Soomaaliya,iyo inaan bilownoo nidaam qaran oo tayo leh, kaas oo an shacabka ugu fidineyno adeegga caafimaad ee ay u baahan yihiin’’.

Labada dhinac ee Soomaaliya iyo Turkiga ayaa furitaanka mashaariicda ka dib waxaa wadahadal la xiriira iskaashiga labada dal ay ku yeesheen xarunta Madaxtooyada, iyadoo diiradda lagu saarey mashaariicda horumarinta ee Turkiga ka wado Soomaaliya, iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka, arrimaha bulshada, militariga iyo dhinacyo kale oo muhiim ah.

no images were found

DHAMMAAD

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online