Madaxweynaha DFS Xasan Sh oo ka hadlay weerarkii ismiidaaminta ee ka dhacay Hotel SYL (Dhageyso)

January 22, 2015 - Written by Editor

Madaxweynaha_xasanMuqdisho:-Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta socdaal ku tagay hotelka SYL ee magaalada Muqdisho oo uu maanta ka dhacay qarax Ismiidaamin ah kaas oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Saraakiisha ciidanka DFS ayaa warbaahinta u sheegay Qaraxa ay ku dhinteen 5 qof oo laba ka mid ah ay ahaayeen raggii weerarka ku qaaday hotelka SYL kana tirsanaa kooxda Al-Shabaab 3 kale ayaa ahaa laba askari iyo qof dumar ah .

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula kulmay Hotelka SYL saraakiil ka tirsan ciidamada ammaanka ee DFS waxaana ay ka wada hadleen adkeynta amaanka wuxuuna amaan u jeediyey ciidanka ilaalada ka hayey Hotel SYL .

Madaxweynaha DFS Xasan Sh Maxamuud ayaa sheegay in wax saameyn ah uusan ku yeelan doonin weerarka ismiidaaminta ee ka dhacay Hotel SYL booqashada madaxweynaha dalka Turkiga uu ku imaan doono maalinta berrito magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha DFS ayaa sheegay in uu fashilmay qorshihii Al-Shabaab ku doonayeen in ay wax ugu dhimaan amaanka magaalada Muqdisho wuxuuna ugu baaqay shacabka magaalada Muqdisho in ay la shaqeeyaan ciidanka amaanka DFS.

Hoos ka Dhageyso Madaxweynaha DFS oo Shirjaraa,id ku qabtay Hotel SYL ee magaalada Muqdisho

[audio:http://k003.kiwi6.com/hotlink/tlwfpn1ql9/xasan.mp3]

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online