Madaxweynaha dowladda Puntland oo dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe[Masawiro]

January 26, 2015 - Written by Editor

IMG_2182Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo 21-1-2015 safar shaqo ugu ambabaxay magaalo ganacsiyeedka Puntland ee Boosaaso ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee caasimada dawladda Puntland.

Madaxweyne Gaas iyo wafdigii uu hogaaminayey oo ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe ayaa waxaa si diiran u soo dhaweeyey Madaxweyne ku xigeenka dawladda Puntland Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey, Wasiiro, Xldhibaano, Saraakil katirsan madaxtooyada Puntland iyo masuuliyiin kale.

Waxaa iyaguna ka qab qaatay soo dheweynta Madaxweynaha Dawlada Puntland haween iyo dhalinyaro ku labisanaa dhar laga tolay calanka Puntland kuwaas oo ruxayey caleemo qoyan.

Dhinaca kale safarka shaqo ee madaxweyne Gaas uu ku tagay magaalada Boosaaso ayaa waxaa uu ugu kuur galayey mashaariicda horumarineed ee ka socda gobolka barri, waxaana uu sidookale madaxweynuhu la kulmay maamulka gobolka, kan degmada iyo saraakiisha ciidanka Puntland.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sigaara waxaa uu kulamo ulaqaatay saraakiisha Ciidamada daraawiishta Puntland ee jiida hore ee difaaca, kuwaas oo uga xogwaramay Madaxweynaha xaalada guud ee ciidamada jiida hore oo dagaalo ba’an ku burburiyey kooxada Alshabaab ee ku dhuumaalaysanaysay Buuralaydaas Calmadow.

Madaxweyne Gaas waxaa ayaa xariga ka jaray warshad cusub oo loogu talagalay in ay ka qeyb qaadato dhimaha dhabada ay diyaaraduhu ku ordaan ee garoonka diyaaradaha Magaalada Boosaaso si ay u fududaato howsha laga wado garoonka.

no images were found

 -DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Email : plpresidecymedia@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online