Madaxweynaha PL oo xariga ka jaray warshad cusub oo burburinaysa dhagaxa lagu dhisayo Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso.

January 26, 2015 - Written by Editor

30Boosaaso:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane Dr. C/weli Maxamed Cali ‘’Gaas’’ ayaa xariga ka jaray Warshada Shiidaysa Dhagaxa lagu dhisayo Garoonka Diyaaradaha Bosaaso. Munaasabada Warshada xariga looga jaray ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda Puntland oo uu hormuud u ahaa Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Mudane Xassan Xaaji
Siciid iyo Injineerada ugu sareeya Shirkadda dhisaysa Garoonka Diyaaradaha Bosaso ee ‘’CCECC’’.

Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali ayaa markii uu xariga ka jaray Warshada, wuxuu indha-indheeyay habsami u socodka shaqo ee Garoonka Diyaaradaha Bosaso.

Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Dawladda Puntland Mudane Xassan Xaaji Siciid oo si kooban ula hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in hawsha Garoonka Bosaso ay si wannaagsan u socoto,isla markaana Siliga lagu wareejinayo Dayrka Garoonka Bosaso uu marayo heer Gabagabo ah.

‘’Hadda hawsha ugu wayn ee socota waa Dayrka Garoonka oo Gabagabo maraya,wuxuu Madaxweynuhu soo indha-indheeyay Warshada Shiida Dhagaxa oo uu xariga ka jaray, shaqadu si fiican ayay u socotaa’’Ayuu yii Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland.

Umada reer Puntland ayaa sanadkan heli doona Garoon Diyaaradeed oo Caalami ah,halka sanadaha soo socdana ay heli doonaan Garoomo Diyaaradeed oo Caalami ah,taasi oo qayb ka ah hormarka ay hiigsanayso Dawlada Dr. Gaas in dalka uu gaaro.

Waxaa xusid mudan in Madaxweynaha Puntland  uu magaalada Bosaso intii uu ku sugnaa Saraakiisha amniga kala hadlay xoojinta amniga dalka. Si kastaba ha ahate,Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Garowe ee Caasimada Puntland.

no images were found

Dhamaad-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta,
Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Email : plpresidecymedia@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online