Madaxweynaha Recep Tayyib Erdogandalka Turkiya oo soo gaaray Muqdisho

January 25, 2015 - Written by Editor

break1Muqdisho:-Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan iyo wafdi uu horkacayo ayaa goor dhow soo gaaray magaalada Muqdisho waxaana haatan soo caga dhigatay diyaradii siday wafdiga Madaxweynaha dalka Turkiya.

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku soo dhaweeyey Madaxweynaha dalka Turkiya Recep Tayyib Erdogan .

Amaanka Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyey waxaana la arkayaa ciidanka gaarka ah ee Madaxtooyada oo aad ugu mashquulsan sugida amaanka madaxweynaha DFS Xasan Sh Maxamuud.

Madaxweynaha dalka Turkiya ayaa waxaa la socoda Ilaalo u gaar ah oo si aad ah u foojigan .Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa waxaa kale oo ka mid ah madaxada ku soo dhaweyneysa Garoonka Aden Cadde Ra’iisl Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo gudoonka baarlamaanka iyo masuuliin kale oo aad u tiro badan.

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa xariga ka jari doona Terminalka garoonka diyaaradaha iyo Isbitaalka Digfeer oo ay dib u habeyn ku sameeyeen dowlada Turkiya.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online