Madaxweyne Gaas oo la kulmay wefti balaaran oo ka socday safaarada Maraykanka ee soomaaliya iyo Hay’adda US-AID[Masawiro]

January 28, 2015 - Written by Editor

IMG_2400Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali ayaa aqalka madax tooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay shalay gelinkii danbe wafti balaaran oo ka socday safaarada maraykanka ee soomaaliya iyo sidoo kale Hay’adda US-AID.

Waftigaan oo si weyn Puntland loogu soo dhaweeyey ayaa u yimi ka qeybgalka shirka hiigsiga cusub ee soomaaliya iyo in ay kulamo la qaataan wasaaradaha iyo hay’addaha Puntland si ay dawladda Puntland uga taageeraan mashaariicda dhanka waxbarashada, caafimaadka iyo haweenka.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa masuuliyiintaasi ku dhiirigeliyey in ay kaalin lixaadleh ka qaataan taakuleynta shacabka reer Puntland si simana ay u gaarsiiyaan guud ahaan Gobolada Puntland adeegyada bulshada ee ay bixinayaan.

Waftiga ka socday safaarada maraykanka ee soomaaliya iyo sidookale Hay’adda US-AID ayaa dhankooda sheegay in ay ka go’antahay balaarinta mashaariicda horumarineed ee ay Puntland ugu talagaleen.

Kullankaan ayaa sidookale ahaa mid ay waftigaasi ka socday Saafarada maraykanka ee soomaaliya iyo Hay’adda US-AID ugu xogwaramayeen madaxweynaha dawaldda Puntland waxyaabihii intii ay dalka joogeen la kulmeen iyo qorshahooda sanadka 2015 waxa ay qaban doonaan.

Gebagebadii kullanka ayaa madaxweynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Gaas uga mahadceliyey booqashada ay ku yimaadeen waftigaasi magaalada Garoowe ee caasimada Dawladda Puntland, islamarkaana kula dardaarmay in ay ka dhabeeyaan balan qadka qorshahooda 2015.

no images were found

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta
Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Email :plpresidecymedia@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online