Madaxweyne PL Dr Gaas oo kullan la qaatay Madaxa Shaqaalaha EU-da Mr. Kenneth Dean[Masawiro]

January 28, 2015 - Written by Editor

IMG_2420Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 28-1-2015 aqalka madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay Madaxa Shaqaalaha EU-da Mr. Kenneth Dean iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayey.

Madaxweyne Gaas ayaa Mr. Kenneth Dean iyo masuuliyiinti la socotay kala hadlay sidii wada shaqeyn buuxda loo yeelan lahaa islamar ahaantaana dawladda Puntland u heli lahayd saamigeeda taakulaynta iyo mashaariicda European Union siiyaan Soomaaliya,  taasoo madaxweynaha Puntland uu sheegay in  European Union dhaqaalaha soomaaliya loogu deeqo ay ku xareeyaan magaalada Muqdisho oo keliya loona baahan yahay in si siman maamulada soomaaliya kajira oo dhan loogu xaqsooro.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay muhiimada ay leedahay in Puntland laga taageero dhinaca amniga, Caafimaadka, Waxbarashada iyo adeegyada kale ee bulshada, sidookale madaxweynaha ayaa sheegay si loola dagaalamo argagixisada caalamiga ah ee alshabaab loo baahan yahay in European Union ay taageeraan ciidamada difaaca ee dawladda Puntland oo ubaahan qalabeyn ciidan, taakuleyn dhinaca gaadiidka ciidanka iyo saanada kale ee milatariga iyo weliba in la siiyo ciidanka tababaro caalami ah.

Mr. Kenneth Dean ayaa dhankiisa sheegay in European Union diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan dawladda Puntland islamar ahaantaana tilmaamay in xafiiskooda EU CAP-NESTOR ay ka furanayaan magaalada Garoowe ee caasimada dawladda Puntland, xafiiskaasi oo ka shaqeyn doona isku xirka iyo wada shaqeynta European Union iyo dawladda Puntland.

Wafdigii ka socday European Union ayaa sidookale sheegay in dhankooda ay ka howlgeli doonaan sidii ay dawladda Puntland uga taageeri lahaayeen qodobadii muhiimka haa ee uu madaxweynaha dawladda Puntland uu ka hadlay.

Kullankii ay maanta wada yeesheen Madaxweyne Gaas iyo wafdigii balaarnaa ee ka socday EU-ada ayaa waxaa ay labada dhinac islagarteen muhiimada ay leedahay in Puntland ay hesho saamigeeda dhaqaalaha European Union ay ku taageeraan Soomaaliya.

no images were found

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta,
Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Email : plpresidecymedia@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online