Mu,asasada Al-minhaaj oo safar Dacwadeed ku martay Gobolka Mudug & Nugaal.[Masawiro]

January 29, 2015 - Written by Editor

20150110_081922Gaalkacyo:-Socdaal dacwadeed oo maamulka mu’asasada al minhaaj iyo culimo  ay ku mareen gobolka mudug ayaa waxa uu qaatay 9 maalmood, socdaal kaas oo lagu marayey degmooyin & tuulooyin  ka tirsan Gobolka mudug,  sida:  Gaalkacyo, Bayra , Xera jaale, Galdogob, Daara salaam, Buursaalax, Kala bayr,  Cagaaran, Xarfo, Buurtinle, , Jalam,

Wafdiga Culimada ee ka qayb qaatay socdaalka dacwadeed waxa ka mid ahaa:

1. Maxamed C/laahi Cabdulle

2. Sheikh Maxamed Macalin axmed

3. Sheikh Sahal Barre Ciid

4. Sheikh Maxamed Axmed Dabiix

5. Ciise Siciid maxamed

Wafdiga culimada ee ku jiray Socdaalka dacwadeed ayaa markii danbe markii ay soo gaareendegmada Burtinle waxaa ku biiray Culimo ka timid gobolka Nugaal oo kala ahaa:-

1. Sheikh Dalmar Guureeye kaarshe

2. Sheekh Mukhtaar Axmed Faarax

3. Macalin mukhtaar Maxamud Axmed

4. Macalin C/qaadir C/salaam Siyaad

5. Macalin C/waduud Yusuf Faarax

Ujeedooyinka socdaalka :

1. Gudashada waajibka rabii ee fidinta diinta

2. U kuurgelida baahiyaha dhanka diinta iyo dacwada ee degaanadaas

3. Is waydaarsiga khibradaha fidinta iyo hormarinta dacwada

4. Kobcinta iyo kor u qaadida xiriirka walaaltimo

Shaqooyinka hirgalay safarkaa dacwadeed waxa ay gaarayeen 74 shaqo oo isugu jira, muxaadarooyin guud, kelmado ducaada loogu talo galay, kelmado ardayda  madaarista loo jeedinayey, kelmado ardayda macaahida sharciga ah,odayaasha,iyo haweenka guud ahaan.

Qodobada culimadu ay kala hadlaysay bulshada qaybaheeda kala duwan waxaa ka mid ahaa  dhibta qabyaalada,xoojinta  walaaltinimada , ilaalinta salaadda,  xijaabka iyo shuruudiisa, barshada cilmiga sharciga ah,ku dhaqanka diinka, ilaalinta masaalixda guud ee umadda ,  u diyaargarowga maalinta danbe iyo qiyaamaha. Iyo la dagaalnka mukhaadaraadka.

Natiijooyinka socdaal dacwadeedka:-

1. Bogaadin iyo soo dhowayn booqashada dacwadeed

2. Ogaansho xaalada dacwadeed ee dhabta ah ee degaanadaa

3. Xoojinta iyo adkaynata walaaltinimada  ka dhaxaysa walalaha muslimka ah

4. Shaafin iyo ka jawaabid su,aalaha ay u baahnayeen buslshada degaanadaa

5. U kala gudbinta khibradaha dacwadeed ee degaanda

Mahadnaq :-

Waxaa maamulka minhaaj iyo culimada socdaalka dacwadeed ku marayey degaamada aan soo sheegnay, u mahadnaqayaan maamuladii mu’sasada ee degaamadaa iyo  dadwaynihii, culimadii, guurtidii, maamuladii, iyo haweenkii, nagu soo dhoweeyey degaamada aan booqanay waxaana uga mahad naqaynaa dhegaysigii iyo kala faaiidaysigii na dhexmaray iyo marti soorkii qiimaha badnaa ee ay noo fidiyeen inta aanu joognay degaamada.

Gunaanad:-

Waxaa muuqday loona baahan yahay in la joogteeyo socdaalada dacwadeed ee noocaan oo kale ah si loo bararujiyo umada muslimka ah ee soomaaliyeed, lana helo naseexayn joogto ah,iyo kala  dheegahso khibaradeed.

no images were found

Mu,asasada Minhaaj
Mudug,Somalia

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online