Muxaadaro ku saabsan Jacaylka Nebiga oo ka dhacday magaalada Gaalkacyo

January 25, 2015 - Written by Editor

sawirGaalkacyo:-Iyadoo ay waajib ku tahay qof walba oo Muslim ah in uu jeclaado Nabi Muxamed N.N.K.H ayaa waxaa Muxaadaro arintaasi ku saabsan waxaa ay ka dhacday Masjidka Nasrulaah ee magaalada Gaalkacyo gaar ahaan Xaafada Garsoor waxaana soo jeedinayay Sheekh.Cumar C/qaadir.Sh.Cumar waxaa uu Muxaadarada oo kamid ahayd Muxaadarooyin Isbuuc leh ah uu uga hadlay:-

1-Sababta ku dhalisay in uu ka hadlo Jacaylka Nabiga

2-Xukunka uu leeyahay Jacaylka Nabiga:

3-Maxaan u jeclaanaynaa Nabiga (Sabab)?:

4-Tusaalooyin ku saabsan Jacaylka Nabiga iyo Salafkii Umada:

5-Waxyaabaha uu keen sanayo ama ka dhalanaya Jacaylka Nabiga:

1-Sababta ku dhalisay in uu ka hadlo Jacaylka Nabiga: ayaa waxaa uu Shiikhu ku sheegay in Mawduucaan ka hadalkiisa uu yar yahay oo sidii loogu baahnaa aan loo soo celcelin, iyo ayada oo ay jiraan Gaalo Nabiga ku aflagaadaysay Aflaam Cartooni ah loona baahanayahay inay Muslimiintu ka dhiidhiyaan ayna muujiyaan Jacaylka ay Nabigooda u qabaan, Xusuusin Xuquuqda Nabiga Salalaahi Calayhi Wasalam, Sheegashada Jacaylka Nabiga oo badatay marka sii look ala saaro yaa jecel Nabiga yaase Jaclayn ayaan u dooranay Ciwaankaan.

2-Xukunka uu leeyahay Jacaylka Nabiga: Jacaylka Nabiga Waajib waxaana ku tusinaya Aayadaha Alle kor ahaaye:

قال تعالى : (قُلْ إِنْ كَانَ آبَاؤُكُمْ وَأَبْنَاؤُكُمْ وَإِخْوَانُكُمْ وَأَزْوَاجُكُمْ وَعَشِيرَتُكُمْ وَأَمْوَالٌ اقْتَرَفْتُمُوهَا وَتِجَارَةٌ تَخْشَوْنَ كَسَادَهَا وَمَسَاكِنُ تَرْضَوْنَهَا أَحَبَّ إِلَيْكُمْ مِنَ اللَّهِ وَرَسُولِهِ وَجِهَادٍ فِي سَبِيلِهِ فَتَرَبَّصُوا حَتَّى يَأْتِيَ اللَّهُ بِأَمْرِهِ وَاللَّهُ لا يَهْدِي الْقَوْمَ الْفَاسِقِينَ). التوبة:24  وقال جل وعلا: (‏‏النَّبِيُّ أَوْلَى بِالْمُؤْمِنِينَ مِنْ أَنفُسِهِمْ وَأَزْوَاجُهُ أُمَّهَاتُهُمْ وَأُوْلُو الْأَرْحَامِ بَعْضُهُمْ أَوْلَى بِبَعْضٍ فِي كِتَابِ اللَّهِ مِنَ الْمُؤْمِنِينَ وَالْمُهَاجِرِينَ إِلَّا أَن تَفْعَلُوا إِلَى أَوْلِيَائِكُم مَّعْرُوفًا كَانَ ذَلِكَ فِي الْكِتَابِ مَسْطُورًا}‏‏ ‏[‏الأحزاب‏:‏ 6‏]‏
Waxaa kale oo ku tusinaya Axaadiithta Nabiga Amaan iyo Nabad galyo kor kiisa ha ahaatee:
قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: (لا يؤمن عبد حتى أكون أحب إليه من أهله وماله والناس أجمعين). عن أنس بن مالك رضي الله عنه عن النبي صلى الله عليه وسلم قال: (ثلاث من كن فيه وجد حلاوة الإيمان أن يكون الله ورسوله أحب إليه مما سواهما وأن يحب المرء لا يحبه إلا لله وأن يكره أن يعود في الكفر كما يكره أن يقذف في النار).

3-Maxaan u jeclaanaynaa Nabiga (Sabab)?: waxaa aan u jeclaanaynaa Nabiga

1-Alle ayaa jecel

2-Nabigu isaga ayaa na baray Alle

3-Nabigu waxaa uu na baray saan Alle u caabudi lahayn

4-Isaga la’aantiis Janada gali mayno

5-Nabigu waa uu na jecel yahay

تلا النبي صلى الله عليه وسلم قول الله عز وجل في إبراهيم عليه السلام: ” رب إنهن أضللن كثيراً من الناس فمن تبعني فإنه منى ومن عصاني فإنك غفور رحيم”. وقول عيسى عليه السلام: ” إن تعذبهم فإنهم عبادك وإن تغفر لهم فإنك أنت العزيز الحكيم “، فرفع يديه وقال: ” اللهم أمتي.. أمتي “. وبكى، فقال الله عز وجل: يا جبريل اذهب إلى محمد فسله: ما يبكيك؟ فأتاه جبريل عليه السلام فسأله، فأخبره النبي صلى الله عليه وسلم بما قال، فأخبر جبريل ربه وهو أعلم، فقال الله عز وجل: يا جبريل.. اذهب إلى محمد، فقل: إنا سنرضيك في أمتك ولا نسوؤك.

4-Tusaalooyin ku saabsan Jacaylka Nabiga iyo Salafkii Umada:

Abuu bakar Assidiiq Alle haka raali noqdee waxaa maalin si xun u garaacay Gaalada gaar ahaan Cutbe isaga oo nabiga Difaacaya markaas waa la miyir daboolay markuu soo kacay waxaa hadal ka bilaabay Nabi Muxamed Muxuu sameeyay (Xaalkiisu waa sidee) wax cuni mayo waxba cabi mayo ilaa Nabiga arinkiisa aan ka xasilo.

Saxaabada oo dhan saas ayay ahaayeen say u waynayn jireen Boqor loo wayneeyo Carabi maysan arag, geeridiisa kadibna markii ay yiraahdaan قال رسول الله صلى الله عليه وسلم ilmo ayaa indhohooda ka quban jirtay, taabiciintiina saas ayay ahaayeen.

5-Waxyaabaha uu keen sanayo ama ka dhalanaya Jacaylka Nabiga:

Jacaylka Nabigu waxyaabo fara badan oo aan lasoo koobi Karin ayuu mu taysanayaa haba ugu horayso Naftaada in aad u hurtide waxaanse ka sheegaynaa qaar kamida intii uu Shiikhu soo qaatay:
1-in aan raacno Sunada Nabiga :

قال الله تبارك وتعالى: قُلْ إِنْ كُنْتُمْ تُحِبُّونَ اللَّهَ فَاتَّبِعُونِي يُحْبِبْكُمُ اللَّهُ وَيَغْفِرْ لَكُمْ ذُنُوبَكُمْ وَاللَّهُ غَفُورٌ رَحِيمٌ [آل عمران:31] قُلْ أَطِيعُوا اللَّهَ وَالرَّسُولَ فَإِنْ تَوَلَّوْا فَإِنَّ اللَّهَ لا يُحِبُّ الْكَافِرِينَ [آل عمران:32].

2-Marka Xadiithka Nabiga la sheego in aanu aamusno oo dhagaysano iskana ilaalino inaan hadalno:
قال الله سبحانه وتعالى : (يا أيها الذين آمنوا لا ترفعوا أصواتكم فوق صوت النبي ولا تجهروا له بالقول كجهر بعضكم لبعض أن تحبط أعمالكم وأنتم لا تشعرون) 3-Marka Magiciisa la sheego in aan ku salino Salalaahu Calayhi Wasalam. قال جل وعلا: (إِنَّ اللَّهَ وَمَلَائِكَتَهُ يُصَلُّونَ عَلَى النَّبِيِّ يَاأَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا صَلُّوا عَلَيْهِ وَسَلِّمُوا تَسْلِيمًا(56سورة الأحزاب) قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: )الْبَخِيلُ مَنْ ذُكِرْتُ عِنْدَهُ فَلَمْ يُصَلِّ عَلَيَّ(
4-in Nabiga aam ka hor marino Qof walba oo qaali nagu ah xataa Nafteena oo isaga Amarkiisa iyo Sharaftiisa aan Difaacnaa.

Si kastaba ha ahaatee Waxaa hubaal in Jacaylka Nabiga lagu garanayo Qofka iyo sida uu u nooleeyo Sunada Nabiga ulana Dagaalamo Bidcooyinka iyo Dhaqamada Gaalada, Dadka Muslimiinta ahna waxa la gudboon inay Sunada Nabigu ku dhagaan si ay Gaaladu Caro awgeed ugu dhintaa Hal ku dhigeenu waa “Muxamed Kaliya ayaa ka cabanayseen laakiin Balaayiin Muxamed ayaan idiin Diyaarinay”

Cabdiraxmaan Cabdinuur Cabdulaahi
Madaxa Xafiiska Warfaafinta ee
Mu’asasada Al-Minhaaj (Mudug)

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online