Nadwo Cilmiyeed ka socotay Burco oo la soo Afmeeray Bayaana laga soo saaray (Masawiro+Bayaan)

January 28, 2015 - Written by Editor

rBurco:-Waxaa lagu soo afmeeray magaalada Burco ee xarunta gobalka Togdheer nadwo cilmiyeed maalmihii la soo ka socotay magaalada waxaana nadwada soo abaabulay mu,asasada al-karam ee dacwada iyo horumarintu. Nadwadan oo ciwaankeedu ahaa ياأيها الذبن آمنوا استجيبو لله وللرسول إذا دعاكم لما يحييكم ayaa waxa lagaga hadlay mawaadiic ay ka mid ahaayeen.
A- كلكم راع وكلكم مسؤول عن رعيته

B – إنا كفيناك المستهزئين

C – ماذا تعرف عن الشيعة

D – التحذير من المخدرات والأمراض الشائعة

E – إنتبهي أيتها المؤمنة

Nadwada lagu qabtay magaalada Burco ee xarunta gobalka Togdheer ayaa waxaa ka soo qeyb galay culimada kala ah Sheekh Maxamuud Maxamed Xaliike
Sheekh Shacbaan Cabdilaahi aadam
Sheekh Khadar Cabdilaahi badeed
Sheekh Feysal Cali Faarax
Sheekh Xuseen Maxamed Ducaale

Guntii iyo gabagabadii culimada waxay soo saareen bayaanka kooban 10 qodob oo ku aadan dhammaan ummada islaamka gaar ahaana bulshada Soomaaliyeed qaybeheeda kala duwan waxaanu u qornaa sida tan

Bayaanka Monday, January 26, 20155-Rabiical11-1436

1.Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan umadda Soomaaliyeed Alle kacabsi iyo inay qabsadaan kuna dhaqmaan Kitaabka iyo sunnada Nabiga ( nabadgeliyo iyo naxariis   korkiisa ha ahaato).

2.Waxaanu ummada ugu baaqaynaa qabsashada Kitaabka iyoSunnada Nabiga (scw) iyo faafinta iyo difaaca manhajka saxda ah, ee tilmaanta u ah diinta   Islaamka. Iyo kadigida Faafinta manaahijta Leexsan ee bulshada lagu dhexfaafinaayo sida Shiicada/ takfiirka/ xadgudubka , sidoo   kale Culimadu waxay kuboorinayaan Bulshada barashada manhajka firqooyinka lumay si looga digtoonaado in xiraaf   kooda

  1. Culimadu waxay ugu baaqayaan   guud ahaan Bulshada in ay kawaantoobaan Cudurka QABYAALADA oo Bulshada kukeenay kala qaybsanaan / Iskaashila,aan / Nabadgalyo Xumo iyo isucaloolxumaan.,
  2. Waxaan ugu baaqaynaa bulshada gaar,ahaan dhalinyarada wiilal iyo gabdhaba inay  ka fogaadaan   dhaqamada   xun-xun iyo tahriibta taasoo ay kala  kulmaan dhibaatooyin waaweyn oo ay ka mid yihiin dhaqaale   burbur, xadhig, kufsi, dhimasho, iyo qoysaskii ay ka dhasheen oo ay ka soo gaadho dhibaato weyni, waana inay ogaadaan   qofka khatartaas u badheedha in uu lamid yahay qof naftiisa   dilay sharci   ahaanna aanay  bannaanayn.
  3. Culimadu waxay ugu   baaqayaan  DUCAADDA in ay isu taagaan faafinta   Diinta   iyo   dhigista   Cilmga sharciga ah, oo ay Bulshadu baahi   badan u qabaan, sidoo kale Waxay ugu   baaqayaan   Bulshada in cilmiga ay ka qaataan culimmada ehelka u ah,    sida Allaah   Qur’aankiisa ku   sheegay, “فاسئلوا أهل الذكر إن كنتم لا تعلمون” (Waydiiya kuwa   cilmiga leh   hadii   ay   dnaan   idinku     cilmilahayn.)
  4. Waxaanu ugu baaqaynaa dadka siyaasada   ku hawlan in ay kashaqeeyaan   danaha dalka, dadka iyo diinta, kana fogaadaan wax yaabaha iska horkeeni kara ummadda sida adeegsiga Qabyaalada  iyo kala qaybinta Bulshada, lanayimaadaan   hufnaan Maamul wanaag, iyo lexejeclo   umaddeed.
  5. Waxaanu ugu baaqaynaa  Salaadiinta, nabadoonada iyo Cuqaasha iyo dhamaan  hugaanka   dhaqanka, in ay isutaagaan heshiisiinta walaalaynta,  iyo nabadaynta Umadda   Bulshaduna   waa   inay la yimaadaan   isutudhid, dulqaad, is cafin,  iyo isu caloolxaadhnaan.
  6. Haweenku waxay leeyihiin mudnaan,kaalin wayna waxay kagajiraan Bulshada, sidaadarteed waa in ay gartaan kaalintooda ay siisay   shareecadu, kana fogaadaan shirqoolada   lagu   marinhabaabinaayo   waxna   loogu  dhimayo sharaftooda   iyo   maamuuskooda,  waana in ay ogaadaan  in  ay siisay     shareecadu     xuquuqdooda   oo dhamaystiran
  7. Culimada   iyo Dhakhaatiirtu   waxay   siwadajir ah Bulshada ugu baaqayaan in ay  ilaashadaan caafimaadkooda iyo   nadaafadda ,kana fogaadaan dhamaan waxyaabaha dhaawici kara caafimdaadka sida Isticmaalka  Mukhaadaraadka   iyo   isticmaalka  Daawooyinka   aan la hubin
  8. Waxaanu ugu baaqaynaa   dadka ka ganacsada Cuntooyinka iyo Daawooyinka in  ay Allaah kaga baqaan waxa ay bulshada u keenayaan ee ay ka   ganacsanayaan.

Mahadnaq :

Waxaanu   umahad   naqaynaa   mu,asasada ALKARAM EE DACWADA IYO HORUMARINTA   oo soo abaabushay kulan cilmiyeedkan,  iyo dhammaan gudiyada   kashaqeeyay, waxaan kale oo u mahadnaqaynaa     bahda   saxaafadda   qaybaheeda   kala duwan sida: tv-yada, idaacadaha, mareegaha kaqaybqaatay baahinta iyo tebinta   kulan   cilmiyeedka,

Gunaanad :

no images were found

Culimadu waxay   Allah uga   baryayaan   umada   Muslimiinta ah guud   ahaan   iyo gaar   ahaan   umadda     Soomaaliyeed in Alle waafajiyo kutoosnaanta   diintooda,

 

Magcyada Culimada

  1. Sh. Faysal Cali Faarax
  2. Sh. MaxamuudMaxamedXaliike

3.Sh. YuusufCabdi Cawed
4.Sh.MaxamedShukri Xasan
5.Sh. MstafeAadanMaxamed
6.Sh.AxmedMaxamedSaleebaan

  1. Sh.Shacbaan C/laahiAadam

8 Sh.Khadar C/laahiBadeed

  1. Sh. C/Qani Aw Saalix Cali
  2. Dr, YuusufAxmed Cali
  3. Dr.XuseenMaxamuudDucaale

12- Maxamed Xuseen Cali gudoomiye ku xigeenka Mu,asasda al-karam ee dacwada   iyo horumarinta.

Burco
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online