Safarkii Madaxweynaha Turkiga Erdogan ee Soomaaliya oo dib u dhacday

January 23, 2015 - Written by Editor

Turkiga_erdoganMuqdisho:-Afhayeenka Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Da”ud Aweys oo goor dhow la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in safarkii uu maanta uu ku imaan lahaa magaalada Muqdisho madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan uu dib u dhac ku yimid.

Afhayeenka Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Da”ud Aweys  ayaa xusay in db u dhac ku yimid imaanshaha magaalada Muqdisho madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ay sabab u tahay geerida ku timid xalay  Boqorkii dalka Sacuudiga Boqor Cabdalle Bin Cabdil Casiis isagoo xusay in safarka Madaxweynaha Turkiga ee Soomaaliya dib laga soo sheegi doono.

Madaxweynaha Turkiga Racep Tayyib Erdogan ayaa lagu waday in maanta oo jimco ah uu soo gaaro Magaalada Muqdisho iyadoo diyaar garow xooggan oo lagu soo dhaweynayo ay wadeen madaxda ugu saraysa ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ilaa hadda si rasmi ah looma shaacin waqtiga Madaxweynaha dalka Turkiga Racep Tayyib Erdogan uu safar ku imaan doono caasimada dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online