Sheekh Umal iyo Sh C/qaadir Boobe oo caawa mar kale muxaadaraad ka jeediyey Masjidka Abu Bakar Al-Sadiiq [Masawiro]

January 24, 2015 - Written by Editor

26Mozambique:-Waxaa weli si habsami ah weli uga socoda Masjidka Abu Bakar Al-Sadiiq  ee ku yaal wadanka  Mozambique muxaadaraadka ay jeedinayaan 2-da Sheekh ee kala ah Sheekh Maxamd Cabdi Umal iyo Sheekh.C/qaadir Boobe oo maalin ka hor safar dacwo ku gaaray dalka Mozambique.

Masjidka Abu Bakar Al-Sadiiq ayaa waxaa aad u soo buuxdhaafiyey dadweye fara badan oo aad ugu hamuun qabay in ay 2-da Sheekh ee Sh Umal iyo Sh C/qaadir  Boobe ay ka dhagaystaan naseexooyinka iyo waanooyinka ay u soo jeedinayaan.

Waxaa maanta oo Sabti ah oo taariikhud ay tahay 24/01/2015 ka jeediyey Masjidka Abu Bakar Al-Sadiiq muxaadaradii labaad Sh.C/qaadir Boobe isagoo Sheekhu uu muxaadaradiisa uga hadlay (Towbada iyo istiqfaarta) uuna Sheekhu si fiican uga hadlay towbada iyo weliba shuruudeeda iyo in mar kaste loo baahanyahay towbada iyo istigfaarta siddii uu nabiga Naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaatee uu ahaan jirayba.

Sh. C/qaadir Boobe ayaa ku tirtirsiiyey dadweynihii faraha badnaa ee dhagaysanayay muxaadaradiisa in ay Alle u laabtaan oo danbiyada ka dhaca Alle looga Towbada keeno inta ay goorgoortahay.

Isla Masjidka Abu Bakar Al-Sadiiq  ayaa waxaa  Salaadii Makhrib ka dib ka galay muxaadaradii 3aad Sh Maxamed Cabdi Umal isagoo uga hadlay (walaalnimada islaamka), muxaadaradaan ayaa ku baxaysay luuqada carabiga iyadoo lagu tarjumayey luuqada Bortaqiiska.

Muxaadaradan ayaa waxaa si wadajir ah uga faa,iidaysanaayeen muslimiinta wadanka iyadoo Sheekh Umal uu aad ugu dheeraaday tusaalooyin fara badan uu keenay ”Ahmiyada Walaalnimada Islaamka” isagoona ku booriyey in lagu dadaalo maadaama ay Muslimiintu aysan kala maarmi karin.

Ugu danbayntii ayaa Sh Maxamed cabdi Umal waxaa uu ka jawaabay Su’aalo dhowr ah oo ay wiidiiyeen dadweynihii dhagaysanayey muxaadaraadka ay jeedinayeen culimadu, Haddii Alle idmo maalinta beri ah ayaa waxaa jiri doona Salaada Makhrib ka dib muxaadaraad kale oo ay 2-da Sheekh ay jeedin doonaa.

no images were found

Mohamed Aden Abdile
Gudoomiyaha Dacwada Gauteng
Majliska Al-Bayaan
Halgan.net,Mozambique

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online