Siihayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda DFS oo ka qeybgalay furitaanka Shirka Ururka Midowga Afrika .

January 26, 2015 - Written by Editor

1Addis Ababa:-Siihayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta ka qeybgalay furitaanka Shirka caadiga ah ee Wasiirada Arrimaha Dibadda wadamada ku mideysan Ururka Midowga Afrika , wareegiisa 26aad , oo ka furmay Caasimadda Ethiopia oo loogu tala-galay in loogu gogol xaaro shir madaxeedka Madaxda iyo hogaamiyeyaasha Afrika ay isugu  imaan doonaan Magaalada Addis Ababa maalmaha Jimcaha iyo Sabtida nagu soo fool leh.

Ku dhawaad illaa iyo afartan Wasiiro Arrimaha dibadeed ayaa ku sugan madasha shirka oo socon doona laba cisho .

Wasiirada Arrimaha Dibadda Afrika ayaa yeelanaya kulamo albaabada u xiran , waxa ayna ka doodi doonaan ajandayaal ay soo jeediyeen dowlado xubno ka ah Ururka , sida dowladda Masar oo soo jeedisay aas’aasidda Unugga taageera howlaha dhex-dhexaadinta iyo ka hortagga colaadaha iyo sidoo kale talo jeedinno kala duwan oo ka kala yimid wadamada Niger , Swaziland , Zambia , Cameroon iyo Chad .

Wasiiradu waxa ay falan-qeyn doonaan ka hortagga cudurka Ebola, qalalaasaha ammaan ee ka jira qaar ka mid ah wadamada Afrika , la dagaalanka kooxaha Al shabaab , Alqaacida iyo Boko Haram .

Siihayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa lagu wadaa in Shirka uu khudbad ka jeediyo , oo uu ku xusayo horumarka siyaasadeed iyo midka ammaan ee ka dhaqan-galay Soomaaliya .

Wasiir Abdirahman D. Beileh ayaa mudada shirka uu ka soconayo Addis Ababa , waxa uu kulamo gaar gaar ah la yeelan doonaa qaar ka mid ah Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo Danjirayaal .

Gelinkii hore ee maanta ayey aheyd markii wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Siihayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ay ka ambabaxeen garoonka caalamiga Aden Abdulle ee caasimadda Muqdisho, iyagoo ku sii jeeda Xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa.

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online