Soomaalida iyo Adduunka(Diriishadda Nairobi) -2 (Islii Maxaa looga Abaal Dhacay?)

January 23, 2015 - Written by Editor

idirsNairobi ama kenya Soomaalidu waa ku dhaqantahay. Kenyana Soomalida wey ku dhaqantahay. Wey fiicantahay labaduba iney gartaan in laysku dhaqanyahay. Soomaalidu waa ku dhaqantahay oo xoolo iyo nolol ayey ku haystaan, wexeyna u muuqataa saldhiga labaad marka Soomaaliya laga reebo.

Halka kenya iyo shacabkeeduba ku ladanyihiin Soomaalida oo kusoo kordhisey fir fircooni, shaqa abuur, dhaq dhaqaaq Dhaqaale. Hayeeshee labada dhinacba wey jiraan dad yar oo aan maslaxadaas isku dhaqnaantu aaney u muuqan.  Halkaan ka eeg qaybta koowaad

Cajaa’ibta aan idiin dulmaree asxaabey waxaa ka mid ah:

-Daar Dheer oo dabaqya ah oo qurux badan, laakiin hoosteedu dhooqo iyo dhabaq tahay, gudadka jidka ku yaallana gaariga iyo wuxuu sido liqayaan, warta biyaha ee taallaana ku hafinkarto!!! Saaxiibada malaayiinta geliyey dhismayaalka intaa leeg waxaanan wax ii fasira weli helin farsamada u diidey iney bay’adda hantidaas hagaajiyaan si faa’iidadubu badato, hantiduna u nabad gasho.

cajaa’ibta waxaa ka mid ah dadka Daaraha dhaadheer iyo hantida badan xaafadda Islii ku leh, kuma noola islii, ma degana xafiisna uma aha. Laakiin Islii waa digaagadda ukunta dahabkaa maalin walba dhasha, haddana dhaxanta ku nool, bahalku inuu cunana halis u ah. Kan lihina Ukunta dahabkaa ayuu ka gurtaa subax walba laakiin dan kama galo daryeelkeeda!

Taa waxaa ka dhigan Hantiileyda Soomaalida Islii, oo badankood Mid kasta haduu jeebku xoogaa u weynaado, xaafadaha qaalligaa ayuu degaa, isliina waa degaagadda u dhasha dahabka, ganacsatada yar yar, xoogsatada biil cayrsatada, rag iyo dumar dhooban jidadka, dukaamada iyo miisaska Islii, waa wershedda lacagta 100 milyan oo doollar bishii samaysa, laakiin jid ma haystaan, oo koronta fiican ma haystaan, oo nadaafad ma haystaan, oo nabadgelyo ma haystaan, oo meesha keliya ee Nairobi aad ku arkayso askar qorya wadata oo dadka istaajisa oo usoo qaraab doonata…

Khidmadda ama service ka xaafaddaasu u baahantahay si ay u hesho wax in yar u qalma waxa ay soo geliso wadanka, dawladda, dadka keenya, oo ay u hesho jidad, nafaafad, nidaam, nabad gelyo, ixtiraam, wexey u baahantahay in ka yar 10% wax soo saarka ay wadanka soo geliso!

Maxaa Islii loo Gacan bidixeeyaa? Maxaa Islii Looga Abaal dhacaa? Islii miyaaney ahayn meesha Nin kasta oo Soomalida Kenya maanta wax haysta meesha uu ka bilaabay? Miyaaney ahayn meesha rag badani socodka ku bartay, oo lagu gardaadiyey? Miyaaney ahayn meesha Canshuurta ugu badan Khasnadda wadanka ku shubta? Miyaaney ahayn meesha shacabka reer Keenya in badan ganacsiga bartay, indhaha u furtay, Dubai iyo Shangahai iyo Hongkong Kenya ku soo xirtay? Miyaaney ahayn Islii iyo Fir Fircoonida Soomaalidu tan Islii Iyo Nairobi ka dhigtay Suuqa ugu weyn East Afrika, oo looga yimaado ilaa Kongo iyo Rwanda iyo Burundi iska daa Uganda iyo Tanzania iyo South Sudan.?

Maxaa Islii iyo Soomalida Deggan loo gacan Bidixeeyaa? Maxaase Looga Abaal dhacaa? Maxaa ka dhigay Digaagadda Dahabka dhasha Subax Walba ee Haddana Lagu Tashado in la gawroco. ? Yaa Eedeeda Leh ? Yaase Lagala Xisaabtamaa? Maal Qabeenada iyo Siyaasiyiinta iyo Culimada (Reer Guuraagu) Dawrkee ku leeyihiin? Bal aan mar kale soo gadaal celiyo……..

La soco qaybaha kale

W/Q Sh Maxamed Idirs

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online