Xaflad lagu furayey Mac-had Shareecada lagu baranayo oo lagu qabtay Masaajidka Hidaaya ee Nairobi [Masawiro]

January 22, 2015 - Written by Editor

21Nairobi:-Xaflad lagu furayey mac-had shareecada lagu baranayo ayaa  lagu qabtay masaajidka hidaaya ee magaalada Nairobi.Xafladdan oo heer sare loo soo agaasimay ayaa waxaa furitaankeeda ka soo qeyb galay culimada Soomaaliyeed ee dalka Kenya qaarkood, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen.

1- Sh. Maxamed Cabdi Umal.
2- Sh. Maxamuud Shibli.
3- Sh. Xasan Ashkir.
Ugu horreyn waxaa munaasabadda ka hadlay maamulaha mac-hadka Madiina, Dr. Cabdicasiis, wuxuuna ka sheekeeyey qaabka uu u socon doono mac-hadka iyo duruusta lagu dhigi doono, isagoo carrabka ku adkeeyey in mac-hadkan baahi weyn loo qabay furitaankiisa.

Dr. Cabdicasiis ayaa sheegay in mac-hadka Madiina ay ugu talo galeen in laba sano oo waxbarasho shareecada ah in lagu qaato, si ardayga ka baxa uu ugu qalmi karo inuu ka mid noqdo ardada jaamacadaha islaamiga ah, gaar ahaan jaamacadda Madiina ee caanka ah.

Intaas ka dib ayaa waxaa makarafoonka lagu wareejiyey Sh. Maxamuud Shibli, wuxuuna hoosta ka xariiqay inuu soo dhaweynayo furitaanka mac-hadka Madiina, isagoo ugu duceeyey in illaahay u sahlo ujeeddada laga leeyahay furitaanka mac-hadkan.

Sh. Xasan Ashkir ayaa sidoo kale madasha ka hadlay isagoo ku dheeraaday baahida loo qabo mac-had noocaan oo kale ah oo laga hir-galiyo xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

no images were found

Ugu dambeyntii ayaa waxaa munaasabadda soo gunaanaday Sh. Maxamed Cabdi Umal, isagoo la dar-daarmay ardada iyo macalimiinta, wuxuuna ku taliyey in la tayeeyo waxbarashada islaamiga ah, wuxuuna kalsooni ka muujiyey in mac-hadkan uu wax weyn ku soo kordhin doono aqoonka shareecada.

Mac-hadka Madiina, ayaa is diiwaan gelintiisu ay socotaa, waxaana uu ku yaallaa dabaqa sare ee masaajidka Hidaaya ee xaafadda Islii, iyadoo daraasadu ay bilaaban doonto horraanta bisha soo socota haddii Illaahay idmo.

Halgan.net
Nairobi

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online