Xaflada loo Qabtay Ardayda Collegeka Al-nuur ee magaalada Laascaanood(Masawiro)

January 24, 2015 - Written by Editor

IMG_0039Laascaanood:-Ardayda Wax ka barata Koleejka Tarbiyada iyo tacliinta ee Al-Nuur Laascaanood ayaa maalimadii Shalay lagu Sagootiyey Xaflad Lagu Maamusayey Ardayda Kolleejkan , iyadoo lagu qabtay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay.

Xafladan ayaa waxaa loo qabtay ardaydii dhamaysatay teeramkii 1 aad ee kolejku uu furnaa xafladan ayaa waxaa ka soo qayb galay culimo, waxgarad, waalidiin iyo dhamaan bulshada qaybaheeda kala duwan.

Ugu horayna waxaa xaflada ka hadlay kalmad baraarujin ahna ka jeediyay Sh.Max’ud Max’ed Max’ud ‘Xaliike’ oo kamid ah maamulka kolejka iyadoo uu xigay bandhig qurux badan oo ay ardayda kolejka ku xaraysani kusoo bandhigeen wixii ay barteen, bandhigaas oo ahaa mid ay aad ula dhaceen dadweynihii kala duwanaa ee xafladan kasoo qaybgalay

Waxaa sidoo kale xigay kalmadii macalimiinta, waalidka iyo marti sharafta kale, ugu danbayna waxaa hadalka qaatay maamulaha kolejka Sh.Max’ed Sh.Aadam Weli oo ka warbixiyay furitaankii koleejka, heerarkii uu soo maray,waxa lagu barto, ardayda iminka dhigata, himiladooda, iyo in maamul, macalimiin iyo waalidba gacmaha laysu qabsado sidii ubadka waxna loo bari lahaa loona tarbiyayn lahaa.

Ugu danbayn waxaa halkaasi abaal marino lagu gudoonsiiyay todoba arday oo iyagu kaalmaha hore ku guulaystay, iyadoo xafladan ku soo gabagbowday farxad iyo duco waaliku u duceeyeen maamulka iyo macalimiinta kolejka Al-nuur.

no images were found

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online